scw waxan ahay gabar jaamacad dhigata sheeko murugo leh ayaa i qabsaty wiil ayaa guur iga soo dontay aabahay ayaa diiday inaan is guursano willkaas xiriir qarsoodi ayan la yeshay anoo uur ka baqayo gadaal ayuu iga mari jiray, aniga ma rabin inaan xuman sameyso asaa igu qasbay, waan u yelay su’asha aan qabo waxay thay galmada gadaal aan sameeyay saameys miyay igu yeelanaysaa xaga caafimaadka, daba waxan ku arkay wareega barar kuusan nabar aad moodo waso barara wa shuqaa, marka an saxaronaya xanuun ayaan dareemaa saxarada wan ka cabsadaa, malaga yaba sideydi hore inan ku noqdo aniga wan ka shalaynayaa isaga uun ban ku raaligalinayey qof an u sheegay ma jiro cabsi baa igu jirta qaladkaas aan galay fadlan talo igu caawiya fikir ayaa i dilay.
Jawaabta:
Falka aad sameysay waa dambi weyn ogow sino ayaad ku dhcday, sidoo kale aabbahaaga ayaad qalad ka gashay, waxaaba dhici karta taas inay ciqaab Alle oo aabahaaga sabab u ah, waxaa waajib kugu ah inaad ka towbad keento dambiga aad gashay sidoo kale inaadan u laabanin dambigaas, waxaa kaloo aad ka fogaataa ninkaas xun oo sidaas kuu galay, marka aan ka hadalno galmada dabada saameyska ay dumarka ku yeelato waa wax badan, marka hore waa xaaraan diin ahaan, marka caafimaad ahaan loo eego jirrooyin badan ayay keentaa galmadaas, dhaawac ayay u keentaa dabada, sidoo kale xagga nafsiga ayay kaa dhaawacaysaa, laakin haddii aad ka harto oo aad ka towbad keento wixii waad kasoo reysanaysaa.
Inta badan gabdhaha yaryar qaladka ay galaan wuxuu ka dhashaa waalidkooda markuu xumaanta ka reebo inay madax taagan, haddii aabbahaaga warkiisa aad yeeli lahayn sidaas kuguma dhaceen, nin guurkiisa uu kaa reebay ayaad xaaraan jirkaaga ku siisay, dumarka qaladaadkaas aad bay u galaan nin laga reebayo ayay u ordaan imisa gabar sidaas ku dhcaday lama soo koobi karo, raga waa sida waraabaha oo kale kama naxo inuu laayo ariga, gabadhii aan is ilaalinin xumaantaas ayaa u dambaysa sheekooyinka dunida ka dhaco waad la yaabaysaa sida dumarka loo siro, immisa hablo been loo sheegay oo sharafta laga qaatay, naag la siray naxdin uma dhinna.