Qisadii dawacada ee yaabka badnayd

The story of the wondrous fox that shows deep wisdom

Qiso yaab badan lagu cibraqaadan karo, waxaa la sheegay dhagax inuu dawaco dibka kaga dhacay, markaas buu ka jaray dibka, waxaa aragtay dawaco kale waxay ku tiri: maxaad isaga goysay dibka? waxay ku tiri: runtii waxaad dareemayaa farxad aan lasoo koobi karin, waxaad mooddaa inaan ahay shinbir dhexmaraya hawada sare, maxaa ka raaxo badan sidan.
Dawacadii kale dibka ayay iska jartay, markaas ayay dareentay xanuun daran, wax farxad ah iyo raaxo ma helin, markaas ayay ku tiri: maxaad iigu sheegtay beenta?

Qisadii dawacada ee yaabka badnayd
Qisadii dawacada ee yaabka badnayd

Dawacadii hore waxay tiri: haddii aad u sheegto kuwa kale xanuunkaaga iskama jarayaan dibkooda wayna nagu jeesjeesayaan.
waxay bilaabay dawaco kasta kasoo hor baxdo inay u sheegaan dibka in layska jaro raaxo badan in laga helo, kuwii kale ayaa bilaabay inay iska jaraan dibka, ilaa ay ka noqdaan badankooda kuwa aan lahayn dib, sheekada waxay noqotay markay arkaan dawaco uu dib leh inay ku jeesjeesaan.
Murtida waxay tahay marka ay xumaata badato dadka wanaagga wata waxay noqonayaan kuwa lagu jeesjeesayo.
bulshada xun haddii ay u weysao dadka suuban ceeb waxay ku dhaleecaynaysaa waxa ugu fiican ay haystaan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More