Qof kasta Soomaali wuxuu rabaa in qabiilkiisa xukumo dalka, qof kasta soomaali wuxuu rabaa in beeshiisa ay noqoto midda ugu hantida badan.
qof kasta soomaali wuxuu rabaa in reerkiisa ay noqdaan kuwa u lacagta badan.
marka yaa somaali ugu xun qabiil ahaan?
jawaabta meel kale haka raadinin qaabilka ugu xun waa midka sifooyinkan leh:
- qabiilka dulmiga aan iska reebin
- qabiilka xoolaha dadka aan iska ilaalinin
- qabiilka kibirka badan
- qabiilka diinta ka fog
- qabiilka ysa qabiilada kale
- qabiilka jaahilnimada ay ku badan tahay
kuwan ayaa ugu xun ma aha qabiil gaar ah inuu xun yahay, ee qabyaaladda iska saar, qabiilkaaga miisankan saar, haddii imtaxaankan uu ka gudbo waa qabiilka ugu fiican, sidaas ogow
Marka laga hadlayo qabiilka ugu badan guurka ama quruxda ama hantida waa daraasad la daraasaynayo dadka iyo qaababka ay ku nool yihiin. Taas cunsuriyad ma aha qabyaaladna ma aha, waayo qabiil qabiil kale ka fiican ma jiro asal ahaan.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ).
(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay)
Wuxuu yiri rasuulka (SCW):