Qabiilka Soomaali ugu xun halkaan ka ogow

Qof kasta Soomaali wuxuu rabaa in qabiilkiisa xukumo dalka, qof kasta soomaali wuxuu rabaa in beeshiisa ay noqoto midda ugu hantida badan.

Qabiilka Soomaali ugu xun halkaan ka ogow
Qabiilka Soomaali ugu xun halkaan ka ogow

qof kasta soomaali wuxuu rabaa in reerkiisa ay noqdaan kuwa u lacagta badan.

marka yaa somaali ugu xun qabiil ahaan?

jawaabta meel kale haka raadinin qaabilka ugu xun waa midka sifooyinkan leh:

  1. qabiilka dulmiga aan iska reebin
  2. qabiilka xoolaha dadka aan iska ilaalinin
  3. qabiilka kibirka badan
  4. qabiilka diinta ka fog
  5. qabiilka ysa qabiilada kale
  6. qabiilka jaahilnimada ay ku badan tahay

kuwan ayaa ugu xun ma aha qabiil gaar ah inuu xun yahay, ee qabyaaladda iska saar, qabiilkaaga miisankan saar, haddii imtaxaankan uu ka gudbo waa qabiilka ugu fiican, sidaas ogow

 

 

Marka laga hadlayo qabiilka ugu badan guurka ama quruxda ama hantida waa daraasad la daraasaynayo dadka iyo qaababka ay ku nool yihiin. Taas cunsuriyad ma aha qabyaaladna ma aha, waayo qabiil qabiil kale ka fiican ma jiro asal ahaan.

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ).

(Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay)

Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ: إِنَّ رَبَّكُمْ وَاحِدٌ ، وَإِنَّ أَبَاكُمْ وَاحِدٌ ، أَلَا لَا فَضْلَ لِعَرَبِيٍّ عَلَى عَجَمِيٍّ ، وَلَا لِعَجَمِيٍّ عَلَى عَرَبِيٍّ ، وَلَا لِأَحْمَرَ عَلَى أَسْوَدَ ، وَلَا أَسْوَدَ عَلَى أَحْمَرَ ، إِلَّا بِالتَّقْوَى ، إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ … )

Dadow: rabbigiina waa hal, aabbihiinana waa hal, qof carab ah kama fadli badna qof cajam ah, qof cajam ahna kama fadli badna qof carab ah, qof guduudanna kama fadli badna qof madow, qof madowna kama fadli badna qof guduudan Alle ka cabsi mooyee, kiina ugu qiimaha badan xagga Alle waa kiina ugu taqwo badan).   Waxaa wariyay Abuu Nucaym iyo Bayhaqi

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More