Ninkey dumar ayuu u galaa baraha bulshada ila taliya

Su’aasha:

Ninkayga waxaan ku arkay asoo la raaxaysanayo gabar oo khadka ku jirta mar kaste wuu iga qariyaa habeen waxaan ku qabtay asoo siigaysanaayo wax aan sameeyo ma garanayo markan kala hadlay waa xanaqay wuxuu igu yiri adaa sabab u ah waxan sameyay.

maxaan sameeyaa anigana kama gaabiyo sariirta waso arkay waxas waso dhibtooday marka bal anigaana u baahan inuu ila raaxaysto muxuu igu diidaa taas maxaa la dhihi karaa. talo ayan idinkaga baahanahy, waxaan ku fikirayaa furiin.

Ninkey dumar ayuu u galaa baraha bulshada ila taliya
Ninkey dumar ayuu u galaa baraha bulshada ila taliya

Jawaabta:

Walaal waa qalad ninka inuu naagtiisa sidaas ku sameeyo, adiga waxaa lagaaga baahan yahay ninkaaga inaad si aayar ula hadasho oo aad isku daydo inaad tartiib uga reebto xumaantaas.

Naagahaas ninkaaga jiidanayo waxaan filiyaa inaysan kaa fiicnayn, laakin adiga ayaa lagaa rabaa ninkaaga inaad fahanto, jacaylka runta ah waa ninka iyo xaaskiisa inay isfahmaan.

Waxaa kaloo la rabaa inaad ka waaniso falkaas uu samaynayo oo ah siigada baraha bulshada.

Waa fal xun oo xaaran ah oo qaab daran.

Naag kaste ninkeeda way qaban kartaa haddii ay ku dadaasho, marka adigaa lagaaga baahan yahay inaad ninkaaga qabato.

Xal ma aha gurigaaga inaad iska dumiso waayo haddii aad sidaas guriga ku dumiso nin kale ayaa laga yaabaa inaad hesho oo ka kasii liita marka is deji oo ku dadaal ninkaan sidii aad ku hagaajin lahayd.

Ogow furiinka xal ma aha hadda, furiin wuxuu xal noqdaa marka ay soo xirmaan wadooyinka oo dhan.

Raga waxaa lagsoo galaa jikada iyo sariirta ama caloosha iyo raaxada, marka labadaas ku dadaal.

Raga waa la arkay inta badan dumarka hadal ayay ku qabtaan marka haweenka la rabo inaad noqoto isku day naago kale kaama aadayo haddii la arko nin naag ka bada dhareeraya hadal macaan ayay kusoo jiidatay, haweenka ama dumarka aad bay u saameeyaan raga siiba marka aysan raga dantooda garanaynin oo ay naagaha daba ordayaan.

Shukaansiga ma xaaraan baa

Khiyaanada shukaansiga sidee lagu garan karaa

Wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إنَّ إبْلِيسَ يَضَعُ عَرْشَهُ علَى الماءِ، ثُمَّ يَبْعَثُ سَراياهُ، فأدْناهُمْ منه مَنْزِلَةً أعْظَمُهُمْ فِتْنَةً، يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: فَعَلْتُ كَذا وكَذا، فيَقولُ: ما صَنَعْتَ شيئًا، قالَ: ثُمَّ يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: ما تَرَكْتُهُ حتَّى فَرَّقْتُ بيْنَهُ وبيْنَ امْرَأَتِهِ، قالَ: فيُدْنِيهِ منه ويقولُ: نِعْمَ أنْتَ)

(Ibliis wuxuu dhiganayaa kursigiisa biyaha, kaddib wuxuu soo dirayaa guutooyinkiisa, kan isaga ugu dhow waa kan ugu fidnada badan, midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: sidan iyo sidan ayaan sameeyay, wuxuu oranayaa wax ma aadan samynin, wuxuu yiri: kaddib midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: ma dhaafin ilaa aan ka kala geeyo isaga iyo naagtiisa, wuxuu yiri: wuu soo dhoweysanayaa wuxuu oranayaa: adigaa fiican),

Muslim ayaa wariyay

Xataa hadduu isbadali waayo gurigaaga ilaalso, wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(لا يَفْرَكْ مُؤْمِنٌ مُؤْمِنَةً، إنْ كَرِهَ منها خُلُقًا رَضِيَ منها آخَرَ)،

(Nin mu’min yuuna ka caroonin haweeney mu’minad ah haddii uu dabci ku naco mid kale ayuu kaga raalli noqonayaa),

Qof dhamaystiran ma jiro wuxuu yiri gabyaaga:

ومَنْ ذا الذي تُرْضَى سجاياهُ كلُّها *** كفى المرءَ نُبلاً أن تُعدَّ معايبُه
Waa kuma kan dabeecadihiisa dhan raalli laga yahay

الشيطان عدو الإنسان، ويسعى في هلاكه وإفساد حياته ودنياه وآخرته بكل السبل، وفي هذا الحديث يوضح النبي صلى الله عليه وسلم بعض ما يفعله الشيطان، فيقول صلى الله عليه وسلم: «إن إبليس يضع عرشه على الماء»، أي: يثبت به على ماء البحر، وقيل: هو كناية عن تسلطه على الخلق وإضلالهم، والعرش: هو كرسي سلطانه.
«ثم يبعث سراياه»، والسرية: هي القطعة من الجيش، وكأن إبليس له جيش من الأبالسة والجنود يرسلهم في نواحي الأرض؛ ليوسوسوا للناس ويضلوهم عن دينهم وعن الطريق المستقيم ، فيكون أقرب الشياطين إلى إبليس هو أكثر الشياطين إضلالا للناس وإبعادا لهم عن الحق، فيجيء واحد من الشياطين الذين بعثهم إلى نواحي الأرض لفتنة بني آدم ويرجع إليه، فيذكر له الشيطان ما فعله من أصناف الفتن والإضلال، فلا يقنع بذلك إبليس وكأنه يستقلها منه، «ثم يجيء» شيطان آخر فيقول: «ما تركته حتى فرقت بينه وبين امرأته»، أي: ما تركت الزوج حتى جعلته يطلق زوجته أو تطلب الخلع منه، وهدمت الألفة والمودة التي كانت بينهم بإلقاء العداوة والبغضاء بينهما، فيقربه إبليس الكبير منه وينزله منزلة أعلى من أقرانه، ويمدح فعله في التفريق بين الزوجين لإعجابه بصنعه، وبلوغه الغاية التي أرادها بقوله: «نعم أنت»، وهذا المدح لما في التفريق بين الزوجين من مفاسد انقطاع النسل، وانعدام تربية الأطفال، وما يحتمل من وقوع الزنا، الذي هو أفحش الكبائر وأكثرها معرة وفسادا، وما في ذلك من التباغض والتشاحن وإثارة العدوات بين الناس.
وفي الحديث: بيان تمكن إبليس من بلوغ مقصوده من إغواء بني آدم.
وفيه: تعظيم أمر الطلاق وكثرة ضرره وعظيم فتنته وعظيم الإثم في السعي فيه.
وفيه: تهويل عظيم في ذم التفريق بين الزوجين.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More