Ninkayga naago kale ayuu shukaansadaa habeen kaste marka aan kala hadlo wuxuu i dhahaa dan kama lihi waan iskala hadlaa kaliya, dhowr jeer ayaan uga digay hadu arinkas sii wadno inuu i furayo wxaa u hayaa lix caruur qurbaha waan joognaa marka waxaan rabi lahaa inaad ila talisaan saan ka yeelayo.
Jawaabta:
Waxaa kugu habboon inaad isku daydo inaad si fudud oo degan aad ula hadasho, ma fiicna inaad furriin aad meesha keento, qofka marka uu khalad kaa galo khaladkiisa laguma saxo khalad kale, furiinka waa burburka guriga, hadalada uu ku hadlayo si degan ayaad uga reebi kartaa marka adigaa aad iska dhigto qof dhammaystiri karo baahidiisa oona aad u caqli celin karto marka waxaa habboon inaad ku sabarto aad gurigaaga ilaalsatoilleen falka uu samaynayo ma gaarsiisana falka sinada