Ninkayga arimahan ayuu igu sameeyaa ila taliya

My husband does this actions toward me

Ninkayga arimahan ayuu igu sameeyaa ila taliya

Su’aasha:

ninkayga been baan ku arkay wuxuu iga qarinayaa inuu xaas kale ku leeyahay africa waxaan maqlay inuu Kenya naag kusoo guursaday markaan weyddiiyay wuu ii dhaartay, marka sideen ku ogaan karaa inuu been ii sheegayo.

Ninkayga arimahan ayuu igu sameeyaa ila taliya
Ninkayga arimahan ayuu igu sameeyaa ila taliya

Jawaabta:

Waxaa fiican wax kaste in la hubsado oo aan lagu degdegin, waxaa laga yaabaa inuu ninkaaga run sheegayo oo dadka kale ay been kuu sheegayaa, immisa guri oo sidaas lagu burburiyay, haddii uu xaas kale leeyahay, maxaad isugu mashquulinaysaa, oo maad xaqaaga kaliya ka raadsato, waxaa kaloo jirta ninka naag kale inuu guursado way u bannaan tahay, laakin waa goorta uu xaqooda kasoo bixi karo oo uuna cadaalad u sameyn karo, rag badan ayaa jira oo naagahooda hore qancin waayay oo gabdho yaryar raadinaya, waxaana u badan raga ku nool yurub, taas waxay keenaysaa naagta inay kaa fasahaado, oo in kale ay raadiso, marka adiga sidaas aad u dhaqanto, teeda kale runta wax ka fiican waa la waayay, maad kula dhaqanto xaaskaaga run iyo daacadnimo, naag kale marka aad guursanayso oo aad ka qarinayso sow lagama yaao inay caruur kuu dhasho oo marka ay u noqdaan caruurtaada walaalo oo wac la dhaxlaya, marka sidee baad kula dhaqmaysaa xaaskaaga been.

adduunka waxaa ugu daran ninka marka uu xaaskiisa been kula dhaqmayo sidoo kale naagtana ay ninkeeda been u sheegayso.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More