Ninka iyo xaaskiisa Camera ma isugu raaxayn karaan

Ninka iyo xaaskiisa Camera ma isugu raaxayn karaan

Runtii su’aashan aad baa loosoo weyddiiyaa wadaaddada siiba waqtiga hadda oo ay isku furmeen dalalka aduunka oo dhan.

Ninka hadduu xaaskiisa ka maqan yahay naagtiisa camera ma usoo gali kartaa iyadoo qaawan oo markaas uu sidaas kula raaxaysanayo.

Runtii inta aan la eegin sharciga islaamka marka hore waxaad eegtaa xagga farsamada tegnoloojiga.

Ninka iyo xaaskiisa Camera ma isugu raaxayn karaa
Ninka iyo xaaskiisa Camera ma isugu raaxayn karaa

Ma og tahay waxa aad adeegsanayso oo ah Facebook ama WhatsApp ama IMO ama Viber ama Messenger  in qof kale uu arki karo ama barnaamijkaas uu duubi karo.

Dadka iska leh muuqaalkaas way arki karaan hadday ugu talaggalaan bal video qaawan ayaa lagaa duubi karaa iskaba daayee in lagaa arko kaliya.

Dadka sameeyay webyadaas waxay haystaan Compuyuutaro oo loo yaqaano Server kuwaaso oo lagu keydiyo sawirada aad sheergaraysid sidoo kale video ama qoraal ama wax kaste aad samayso.

Marka aan usoo laabano diinta waxa ay ka qabto arrintaas.

Ninka iyo xaaskiisa camerama ku raaxaysan karaan
Ninka iyo xaaskiisa camera ma ku raaxaysan karaan

Shaki kuma jiro ninka xaaskiisa inuu ku raaxaysan karo laakin sida aan soo caddeynay hadda ma kula tahay diinta inay bannaynayso xaaska inay isu qaawiso dad kale?.

Marka way iska caddahay arrintaas waa inay ka fogaadaan ninka iyo naagtiisa inay sidaas ku raaxaystaan.

Waayo saan sheegnay sawirada ama muuqaalada qaawan meesha ayay gali karaan waaba lagaa qaadi karaa illeen dadka sameeyay way awoodaan.

Taas hadda waxaa kasii xun Dumarka qaar nin ayay ku aaminaan inuu video xun ka duubo markaas ayuu ku faafinayaa baraha bulshada.

Diinta islaamka waa diin ku dadaasha xishoodka iyo asturaadda, Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(إن الله عز وجل حَيِيٌّ سِتِّيرٌ، يحب الحياء والسِّتْر)

رواه النسائي وغيره

(Alle (CW) waa xishood badan yahay waana astur badan yahay, wuxuuna jecel yahay xishoodka iyo asturaadda)

Gabdhaha WhatsApp raga kala xiriiro

Marka ninka iyo xaaskiisa waxaa laga rabaa inay ka digtoonaadaan wax kaste u keeni kara in cowradooda la arko.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More