Ninka isoo furay ayaan ku fikiraa asoo galmo ila samaynaya

Su’aasha:

Garoob aan ahay mudo nin ma arag waxan isku arkaa  dareen xog badan oo mararka qaarkooda waxan ku fikiraa inaan nin ku dhaco, mana ka baxo maskaxdayda xataa habeenaha qaarkooda ma hurdi karo hadaba maxa talo aad i sinaysan mahadsanidin.

Ninka isoo furay ayaan ku fikiraa asoo galmo ila samaynaya
Ninka isoo furay ayaan ku fikiraa asoo galmo ila samaynaya

Jawaabta:

Dumarka marka lasoo furo caadi ahaan qaarkooda shahwada badan  kacsiga badan waxay ku fikiraan galmo, qaar ninkoodi hore qaarna niman aysan garanaynin iyo niman ay garanayaan.

Marka fikirka galmada dumarka wuxuu ka dhashaa dareenka badan iyo fikirka galmadii hore aad samaysay iyadaa kugu soo laalaabanayso marka waxaad kaga bixi kartaa inaad wax kale isku mashaquuliso waxaana ugu fiican inaad nin kale ama ninkii hore aad guursato oo aad noloshaada meesha kasii wadato.

Waayo naagaha garoobada way ka dhiirran yihiin kuwa gabdhaha bigrada ah, waayo nin ayay soo mareen marka xumaanta halis bay u yihiin inay ku dhacaan.

Sidoo kale naagta marka ay marxaladan gaarto waa halis kacsiga ayaa ka xoog badin kara.

Marka waxaa talo iga ah inaad guursato nin wanaagsan ood ku degi karto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More