Site icon Daruur درور

Nin faqiir 8 maalmood ku taajiray eeg

Nin faqiir 8 maalmood ku taajiray eeg

Sheekadan waxay ka dhacday waa hore dalka Maraykanka

Nin faqiir ayaa jiray oo waxba aan haysanin xitaa wax uu cuno ayuu la’aa.
wuxuu qorsheeyay siduu ku noqon lahaa qof hantiile ah asoon shaqeynin 8 maalmood gudahood.

Nin faqiir 8 maalmood ku taajiray eeg muxuu sameeyay
Nin faqiir 8 maalmood ku taajiray eeg muxuu sameeyay

wuxuu ku qoray wargeysayada mid ka mid ah:

haddii aad rabto inaad qof hantiile noqoto hal doolar meeshan kusoo dir.

wuxuu u qoray dadka adareeskiisa.
waxaa u diray dad gaaraya malaayiin.

mid kaste wuxuu diray 1 doolar.
Ninkii wuxuu noqday malyuuner oo hanti badan haysta.
marka isla wargeyskii ayuu kusoo sharxay; sida uu sameeyay oo uu ku noqday hantiile.
dadkii ayaa ku kacay maxkamad ayay soo saareen.
laakin ma jirin dambi ay ku caddeyn karaan oo lagu xukumi karo.
Qaadiga ayaa wuxuu yiri:

Qaanuunka ma difaaco qof caqliga laga xaday

Qisadii askariga Maraykanka oo Soomaali joogi jiray oo soo islaamay

Exit mobile version