Naagaha dunida ma xuurulcayn baa laga dhigayaa aakhiro

Su’aasha:

Waxaan rabey inaad igaga jawaabtaan
Gabdhaha Aduunyada joogo ee aakhiro janada gali doono xuural ceyn miyey noqonayaan
ma nin koodi uun baaa la raaxeysan doona mise niman kale haduu ninku Ahlu jano yahay

Naagaha dunida ma xuurulcayn baa laga dhigayaa aakhiro
Naagaha dunida ma xuurulcayn baa laga dhigayaa aakhiroD

Jawaabta:

Naagta adduunka ku nool oo jannada gasho Xaaladdeeda waa afar xaaladood middood:
1- naagta dhimatay oo aan guursanin iyo naagtii dhimatay iyadoo lasoo furay ama naagtii jannada gashay oo ninkeedii aan jannada la galin, naagtaas jannada nin ayaa loogu guurinayaa waana nin reer adduunyo ah
2- naagtii dhimato  iyadoo nin qaba naagtaas ninkeeda ayay iskula raaxaysanayaan jannada.
3. naagtii dhimato oo ninkeedi dhintay iyadana gadaashiisa aan nin kale guursanin iyadana ninkeeda ayay is helayaan
4- haddii naagta ninkeeda dhinto asoo ay xaaskiisa tahay kaddib nin kale ay guursato xataa hadday badan yihiin aakhiro waxaa loo guurinayaa kan ugu dhaqan ficnaa, markay adduunyada iskula noolaayeen, qaar culimada ka mid ah waxay qabaan in iyada la dhahayo kaad rabto ka dooro, qaar kalana waxay qabaan in loo guurin doono ninka ugu dambeeyay ay adduunyada isku guursadeen.

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(أيُّما امرأةٍ تُوُفِّي عنها زوجها، فتزوَّجَتْ بعدَهُ، فِهِي لآخِرِ أزواجِها)

(Haweeney kaste ninkeedii ka dhintay, oo gadaashiisa gursatay, waxay u sugan tahay nimankeeda kii ugu dambeeyay)

Siyaado

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More