Site icon Daruur درور

Naag ninkeeda caynayso maxaa la dhihi karaa

Su’aasha:

Xaaskayga marka ay xanaaqdo si xun ayay u caytamaysaa waa afxaar waxay sheegaysaa wax xitaa raga ka xishoodo waxaa ka mid ah: khaniis baad tahay ey baa tahay wecel kisi , iyo waxyaalo kale aanan halkan ku sheegi karin marka maxaan sameeyaa oo aad igula talinaysaan  arintaan waa mar kaste oo ay xanaaqdo.

Naag ninkeeda caynayso maxaa la dhihi karaa
Naag ninkeeda caynayso maxaa la dhihi karaa

Jawaabta:

Afxaarnimada waa wax aad u xun qofka muslinka ah ma noqdo afxaar waa dabeecad qallafsan, siiba marka ay arrinta dumar la xiriirto, taas waxay tilmaamaysaa xaaskaaga markay yareed inaysan helin tarbiyad wanaagsan, waxaa laga yaabaa inay kusoo kortay qoys cayda ay caadi la tahay, marka waxaa lagaa rabaa inaad hagaajiso oo aad toosiso taasna waa suurtagal waayo qofka marka wanaag la faro oo lagu celceliyo waa laga yaabaa inuu qaato, xaaskaaga adaa lagaa rabaa inaad barto wixii wanaag, haddii sidaas ay kusii socoto waxaa dhici karta caruurtaada berri inay sidaas u dhaqmaan.

Exit mobile version