Naag ninkeeda caynayso maxaa la dhihi karaa
Su’aasha:
Xaaskayga marka ay xanaaqdo si xun ayay u caytamaysaa waa afxaar waxay sheegaysaa wax xitaa raga ka xishoodo waxaa ka mid ah: khaniis baad tahay ey baa tahay wecel kisi , iyo waxyaalo kale aanan halkan ku sheegi karin marka maxaan sameeyaa oo aad igula talinaysaan arintaan waa mar kaste oo ay xanaaqdo.

Jawaabta:
Afxaarnimada waa wax aad u xun qofka muslinka ah ma noqdo afxaar waa dabeecad qallafsan, siiba marka ay arrinta dumar la xiriirto, taas waxay tilmaamaysaa xaaskaaga markay yareed inaysan helin tarbiyad wanaagsan, waxaa laga yaabaa inay kusoo kortay qoys cayda ay caadi la tahay, marka waxaa lagaa rabaa inaad hagaajiso oo aad toosiso taasna waa suurtagal waayo qofka marka wanaag la faro oo lagu celceliyo waa laga yaabaa inuu qaato, xaaskaaga adaa lagaa rabaa inaad barto wixii wanaag, haddii sidaas ay kusii socoto waxaa dhici karta caruurtaada berri inay sidaas u dhaqmaan.
Astaamaha naagta xun lagu garto oo kooban
Slander is a very bad thing. A Muslim cannot be a slanderer. It is a harsh character, especially when it comes to women. This indicates that your wife did not receive a good upbringing when she was young. She may have grown up in a family where insults are normal. So you are expected to correct and correct her, and that is possible because when a person is told to do good and repeated, they may accept it. You are expected to teach your wife what is good. If this continues, your children may behave like that in the future.
