Naag madaxweyne ma noqon kartaa diinteenuse maxay ka qabtaa?

Su’aasha:

Asc waxaan rabaa inaan idiin weydiiyo su’aashan naag madaxweyne ama hogaan ummadeed ma noqon kartaa hada dalka Tanzania waxaa madaxweyne ka noqotay gabar muslimad ah hadaba diintu maxay ka dhahday arintaas.

Naag madaxweyne ma noqon kartaa diinteenuse maxay ka qabtaa?
Naag madaxweyne ma noqon kartaa diinteenuse maxay ka qabtaa?

Jawaabta:

Diinta islaamka nidaamka xukunka waa ka duwan yahay nidaamyada hadda adduunka ka jira, islaamka marka hore ma qabo xudduudaha dhex yaalla dowladaha muslinka ah, islaamka wuxuu aaminsan yahay in dalalka muslinka ay yihiin hal dal, waxaana loo yaqaanaa daarta islaamka, marka intaas dowlado midaysan waxaa u taliya madaxweyne loo yaqaano IMAAM, waxaana shardi ah inuu yahay muslin oo caalim ah yaqaana diinta islaamka sidoo kale lab ah.

Marka diinta islaamka ma oggola naag inay noqoto imaamka muslimiinta oo dhan u taliya.

Laakin sida hadda ay tahay sheekada waa wax kale oo ka duwan, naagta madaxweyne marka ay tahay ma matalaysaa marka hore muslimiinta oo dhan?!! kaliya waxay madax ka tahay dalka ay sheeganayso, sidoo kale wadamada laguma dhaqo diinta Ilaahay soo dejiyay marka qaabka ay hadda dowladaha caalamka ku taagan yihiin ma aha sidii uu sheegay islaamka oo ah hal dowlad aan xudduudo la lahayn oo midaysan oo  hal meel laga xukumo.

Marka qaabka hadda ay dowladaha yihiin way ka duwan tahay aragtida islaamka uu ka qabo dowladnimada.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More