Muuse Suudi iyo Farmaajo dagaalka cusub iyo dareenka daahsoon

Muuse Suudi iyo Farmaajo kaalinta cusub.

Dagaal sokeeye bilowgiisu waa sheekada Xamar ka socoto.

Farmaajo oo ay u eg tahay inuu awoodi waayay maamulka Soomaali.

dowlad ku fashilantay amaanka Muqdisho waxaad dhihi kartaa dowlad ma aha.

Muuse Suudi iyo Farmaajo dagaalka cusub iyo
Muuse Suudi iyo Farmaajo dagaalka cusub iyo

laakin waxaa yaab badan Muuse Suudi oo ka faa’idaysana tabaryarida dowladda.

sheekada dhab ahaan markaad u  eegto waa qabyaalad daahsoon.

qofka soomaaliga qabiilkiisa ayuu ka hormarinayaa wax walba xitii diintiisa qabiilka ayaa uga muhimsan, taasna way iska caddahay daliil uam baahna 1991 ilaga soo bilaabo ilaa iyo hadda ayaa kugu filan.

dad yar ayaa Alle ka cabsado.

 

 

qof kastana wuxuu iska dhigaa qof wadani ah laakin sax ma aha.

dadka Farmaajo taageersan waxay ku gabbadaan wadaninimo laakin badankooda qabyaalad ayaa waddo.

dadkii aadka uga soo horjeeday Xasan Sheekh hadda kama hadlaan waxyaalaha Farmaajo waqtigiisa loo jeedo qaraxa badan safarada badan ballanta uu buriyay iwm., waxayna iska dhigayeen dad Mucaarad ah, laakin kama ahayn mucaaradnimo qabyaalad ayaana u qarsooneyd.

hadda u noqo muuqaalada ay duubeen waagii hore.

sidoo kale dadka Muuse Suudi difaayaca iyagoo iska dhigaya dad u damqanaya magaalada Muqdisho waa tii beelahooda ay sidaas u galeen.

Xalka Soomaali waa cirbad ku luntay badweynta India habeen leyl ah oo mugdi daran jiro.  taas macanaheedu waa adag tahay inay soomaali kusoo noqoto sidii ay ahayd.

soomaali aakhirkeeda waxay u dhamaanaysaa dowladaha deriska magaca soomaali waa la tirtirayaa.

taasna waxaa loo adeegsaday dad badan oo isku sheegaya inay madaxda yihiin ama kaabe qabiil ama oday ama qabqable.

waxaan macquul ahayn in la waayo qof dhabta taaban karo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More