Adduunka noole kaste wuxuu wataa wax ku tusaya jiritaanka Alle (SW) iyo awooddiisa, maanta marka aan wax yar ka sheegno mucjisada ku sugan abuurista geela waa mid lala yaabo.

Mucjisada ku sugan abuurista geela
Mucjisada ku sugan abuurista geela
Mucjisada ku sugan abuurista geela
Aayadda oo loo qoray qaabka geela ay tahay

Ma og tahay neefka geela inuu cabbi karo biyaha badda oo dhanaanka ah?!! lagama yaabo inuu dhiigiisa kor u kaco maxaayeelay kellidiisa biyaha ayay u sifeynaysaa biyaha iyo cusbada way u kala baxayaan biyo macaan ayay u noqonayaan.

Sidoo kale neefka geela wuxuu awoodaa inuu cuno qodaxda calooshiisa wax dhib ah masoo gaaro iyo mindhiciradiisa, maxaayeelay dhareerkiisa wuxuu dhalaaliyaa qodaxda waxay noqonaysaa sida muufada oo kale ama cajiinka, sidaa awgeed dadka reer baadiyaha ah markay qodax muddo dhareerka geela ayay mariyaan qodaxda way burburaysaa muddo kaddib.

Waxaa kaloo la yaab leh naafka geela wuxuu qabaa labo maqaar daboolaya indhihiisa mid waa sida dhalada oo kale oo shareer ah midna waa maqaar caadi ah, wuxuu awoodaa inuu ku socdo dhulka boorka badan oo dabeysha carrada soo daadinayso, indhihiisa dhib ma soo gaaro maxaayeelay wuxuu xiraa daboolka dhalada oo kale ah kaliya.

Waxaa kaloo la yaab leh neefka geela uu sameyn karo inuu baddalo kulaylka ama qabowga jirkiisa, marka uu baraf galo jirkiisa kulayl ayuu ka dhigaa marka uu qorrax kulul dhex galo jirkiisa ayuu qaboojiyaa, waxaas oo dhan waxaa siiyay Allaha awoodda leh.

Markaad ogaato arrimahan waxaad ogaanaysaa weynida aayadda Alle kusoo dejiyay suubanaha (SCW) oo ah:

(أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ)

(Miyaysan eegeynin geela sida loo abuuray).

Fadlan gaarsii dadka aan ogeyn waxyaabahan.

Every living thing in the world has something to show the existence of Allah (SW) and His power, today when we talk a little about the miracle in the creation of the camel, it is amazing.
Did you know that a camel can drink fresh sea water?!! It is impossible for its blood pressure to rise because its kidneys filter the water and the salt separates into sweet water and it becomes sweet.
Also, a camel can eat thorns without causing any harm to its stomach and intestines, because its saliva melts the thorns and they become like dough or dough, so when the people of the countryside apply thorns to the camel’s saliva for a while, the thorns will break down after a while.
It is also amazing that the camel has two skins covering its eyes, one is like a glass that is like a veil and the other is ordinary skin, it is able to walk on the dusty ground that the wind blows, its eyes are not harmed because it only closes the glass-like lid. It is also amazing that the camel can change the heat or cold of its body, when it is in the snow, it makes its body warm and when it is in the hot sun, it cools its body, all this was given by Allah Almighty.

Leave a Reply