Meerayaasha Diinta ma sheegtay

Su’aasha:

Asc waxaan shaki ku jirin in meerayaal jiraan walibana qaarkood la tagay hadaba Diinta maxay ka qabtaa in dhowr xidigis ama meere ay jiraan Mase lagu Sheegay

Waxba kama qabo hadii Sayniska waan been aad ileedahay lkn inta aan baaray Qur,aanka iyo Diinta kuma hayo in xidigo dhulkeena lamid ah jiraan.

Meerayaasha Diinta ma sheegtay
Meerayaasha Diinta ma sheegtay

Jawaabta:

Meerayaasha waa xiddogo isku xiran oo hal nidaam ku shaqeeyo, waaqii hore waxaa loo arkaayay xiddigo caadi inay yihiin, laakin marka la helay taleskoobyada lagu eego waxaa la ogaaday inay yihiin xiddigo isku xiran oo aad u fog, culimada muslimiinta waqtiyada dambe waxay sheegaan quraanka in laga fahmayo inay jiraan meereyaasha waxaa ka mid ah aayadaha ay u daliilsadaan:

(تَبَارَكَ الَّذِي جَعَلَ فِي السَّمَاءِ بُرُوجًا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَاجًا وَقَمَرًا مُنِيرًا)

(Waxaa Khayr Badnaaday Eebaha Yeela Samada Burjiyo Yeelayna Dhexdeeda Siraaj (Qorrax) iyo dayax ifi)

(وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا)

(Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh)

(وَلَقَدْ جَعَلْنَا فِي السَّمَاءِ بُرُوجًا وَزَيَّنَّاهَا لِلنَّاظِرِينَ)

(waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi))

Waxaad ogaataa in waxyaalo badan oo aan iskuullada ku qaadanay ay been ku dhisan yihiin, beentaasna run inay isku badashay, fikradda seyniska uu koonka ka aaminsan yahay iyo midda Quraanka ka aaminsan yahay labo ayay kala yihiin, arrintaas halkaan laguma soo koobi karo.

Meerayaasha habka seyniska iyo habka quraanka waa kala aragti, waxyaalahaas oo kalana meel kaste lagama qaato, quraanka guud ahaan ayuu u tilmaamay inay jiraan xiddigo iyo samado iyo inuu koonka aad u weyn yahay.

Teeda kale seyniska wuxuu u arkaa qorraxda inay tahay udubka koonka, laakin xaqiiqada sidaas ma aha, dadka qaar waxay isku dayaan quraanka inay si qalad u fasiraan si uu u waafaqo seyniska, waxaa jira aragtiyo kala duwan oo koonka ku salaysan quraankana aan faahfaahin dheeraad ka bixinin oo ilaa iyo hadda laysku haysto, si kaste ha ahaatee waxaan kula talinayaa inaad wax akhriso oo aad baaritaan samayso adoo eegaya wixii laga qoray arrimahaas oo dhan, iyo waxyaalo badan ku saabsan koonka iyo abuurista.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More