Meeqo nooc ayaa loo baari karaa DNA

Su’aasha:

Asc adeerkay iyo aniga isku DNA ma noqon karnaa hadii booska aabe nimo iigalo ilaa meqo nooc ayaana loo baaraa DNA-ga

Meeqo nooc ayaa loo baari karaa DNA
Meeqo nooc ayaa loo baari karaa DNA

Jawaabta:

DNA waa maaddada dhaxalka  oo labada waalid xaggooda kaaga timaado, waxayna sugaysaa dhalashada ka dhexaysa nooleyaasha, adeerkaaga iyo adiga waxaad ku kulmaysaan awoowahaaga oo aabbaha u ah adreerkaaga marka DNA ahaan waa loo sugi karaa inuu adeerkaaga yahay haddii laydin baaro.

Qaabab badan ayaa loo baari karaa, qofka waxaa laga qaadaa wax jirkiisa ka mid ah sida dhareerka ama timaha ama ciddiyaha ama dhiiga ama manida, waxaa ugu sahlan dhiiga iyo dhareerka, markaas ayaa la baarayaa waxaa laga ogaanayaa DNA-ga.
Hadda waxaa lagu sugaa nasabka iyo baaritaanka dambiyada sidoo kale caafimaadka.

Waxaa jirta shirkad ku takhasustay qofka inay u raadiso asalkiisa meesha uu kasoo jeedo dhalshada, waxayna leedahay website-kan waana lacag marka ay kuu samaynayso baritaanka kusaabsan DNA:

https://www.23andme.com/

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More