Meeqo nooc ayaa loo baari karaa DNA
Su’aasha:
Asc adeerkay iyo aniga isku DNA ma noqon karnaa hadii booska aabe nimo iigalo ilaa meqo nooc ayaana loo baaraa DNA-ga

Jawaabta:
DNA waa maaddada dhaxalka oo labada waalid xaggooda kaaga timaado, waxayna sugaysaa dhalashada ka dhexaysa nooleyaasha, adeerkaaga iyo adiga waxaad ku kulmaysaan awoowahaaga oo aabbaha u ah adreerkaaga marka DNA ahaan waa loo sugi karaa inuu adeerkaaga yahay haddii laydin baaro.
Qaabab badan ayaa loo baari karaa, qofka waxaa laga qaadaa wax jirkiisa ka mid ah sida dhareerka ama timaha ama ciddiyaha ama dhiiga ama manida, waxaa ugu sahlan dhiiga iyo dhareerka, markaas ayaa la baarayaa waxaa laga ogaanayaa DNA-ga.
Hadda waxaa lagu sugaa nasabka iyo baaritaanka dambiyada sidoo kale caafimaadka.
Waxaa jirta shirkad ku takhasustay qofka inay u raadiso asalkiisa meesha uu kasoo jeedo dhalshada, waxayna leedahay website-kan waana lacag marka ay kuu samaynayso baritaanka kusaabsan DNA:
DNA is the hereditary material that comes from both parents, and it ensures the birth of living beings, your uncle and you meet your grandfather who is the father of your uncle, so it can be guaranteed that he is your uncle if you are tested.
There are many ways to test, a person can take something from their body such as saliva or hair or nails or blood or semen, the easiest is blood and saliva, then it is tested and the DNA is detected.
Now it is tested in genealogy and criminal investigations as well as health.
There is a company that specializes in tracing a person’s origin by place of birth, and it has this website and it charges a fee when it does a DNA test for you:
