Site icon Daruur درور

Meeqa bilood lagu baran karaa English-ka

Su’aasha:

Walaal waxaan rabaa inaan barto luuqada English ka
Meeqo bil ayey igu qaadan kartaa hadaan Xoogga saaro
barashada luuqadaas.

Meeqa bilood lagu baran karaa English-ka
Meeqa bilood lagu baran karaa English-ka

Jawaabta:

Barashada afka ingiriiska waxay u baahan tahay go’aan iyo dadaal sidoo kale afafka qalaad way la mid yihiin, af kaste waxaa loo maraa qaab gaar ah sidii loo baran lahaa.

Afka wuxuu u baahan yahay dhagaysi iyo ku hadal  muddada la baranayo waxay ku xiran tahay qofka dadaalkiisa iyo waxqabadkiisa dadka way ku kala duwan yihiin barashada afafka dad waxaa jira si fudud ku qabta afka, marka aan ka hadalno dad dhakhsi wax ku barto wuxuu ka qaadanayaa 6 bilood. Dadka qaarkii wuxuu ku qaadanayaa sanado. Laakin samanka hadda aan joogto qofkii rabo inuu barto afka English aad buu u baran karaa wuxuu helayaa casharo badan free ah, Youtube iyo webyo badan ayaa jira laga helayo muuqalo barashada afka ingiriiska oo qaabab badan leh levelo badan leh.

Exit mobile version