Site icon Daruur درور

Maxaan ku garan karaa ninka aan guur daacad u ahayn

Su’aasha:

Waxaan ahay gabar wax barata quruxna waan leeyahay rag badan oo jmaacadda ila dhigta ayaa guur iga raba qaarkoodi toos ayay iigu shegeen qaarna sarebeen ahaan, hadaba waxaan rabaa inaad ii sheegtaan ninka guurka daacad u ah astaamaha lagu garto, qofka guri dhaqi kara.

Maxaan ku garan karaa ninka aan guur daacad u ahayn
Maxaan ku garan karaa ninka aan guur daacad u ahayn

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa inay arrimaha qaddaran yihiin qofka aad guursan doonto waa kuu qoran yahay, iyadoo sidaas ay tahay haddana waxaa lagaa rabaa inaad raadsato wixii wanaagsan, raga marka ay shukaansanayaan gabadha been bay u sheegaan badankooda, qaar yar mooyee, marka ninka guurka daacadka u ah waxaa lagu gartaa inuu yahay qof adab leh oo gabadha u tixgaliya sida uu walaashiisa u tixgalinayo mana la doonayo xumaan iyo dhib, beenna uma sheego kuma cayaaro, laakin ninka gaabsiga raba oo aan guurka daacad u ahayn, isla markii wuxuu ka dalbanayaa gabadha inay jacayl isla jilaan oo meelo badan isla aadaan wuxuu bilaabayaa inuu damco jirkeeda inuu ku raaxaysto ama taleefan kula raaxaysto, wuxuu ku dhahaa gabadha adiga mustaqbalkayga ayaad tahay, wax dhib ma laha inaan wada sheekaysano oon wada raaxaysano waayo waan is guursanaynaa, guurka ayuu kusoo gabbanayaa si uu sharafteeda u dilo marka uu dantiisa gaaro oo uu taabto jirkeeda kaddib ayuu ku dhahayaa gabar jirkeeda ii dhiibtay miyaan ku aamini karaa mustaqbalkayga mid kale ayuu raadinayaa iyadana meesha ayuu uga tagayaa, laakin ninka guurdoon daacad ah sidaas ma aha.

Exit mobile version