Maxaan ku garan karaa ninka aan guur daacad u ahayn
Su’aasha:
Waxaan ahay gabar wax barata quruxna waan leeyahay rag badan oo jmaacadda ila dhigta ayaa guur iga raba qaarkoodi toos ayay iigu shegeen qaarna sarebeen ahaan, hadaba waxaan rabaa inaad ii sheegtaan ninka guurka daacad u ah astaamaha lagu garto, qofka guri dhaqi kara.

Jawaabta:
Marka hore waxaad ogaataa inay arrimaha qaddaran yihiin qofka aad guursan doonto waa kuu qoran yahay, iyadoo sidaas ay tahay haddana waxaa lagaa rabaa inaad raadsato wixii wanaagsan, raga marka ay shukaansanayaan gabadha been bay u sheegaan badankooda, qaar yar mooyee, marka ninka guurka daacadka u ah waxaa lagu gartaa inuu yahay qof adab leh oo gabadha u tixgaliya sida uu walaashiisa u tixgalinayo mana la doonayo xumaan iyo dhib, beenna uma sheego kuma cayaaro, laakin ninka gaabsiga raba oo aan guurka daacad u ahayn, isla markii wuxuu ka dalbanayaa gabadha inay jacayl isla jilaan oo meelo badan isla aadaan wuxuu bilaabayaa inuu damco jirkeeda inuu ku raaxaysto ama taleefan kula raaxaysto, wuxuu ku dhahaa gabadha adiga mustaqbalkayga ayaad tahay, wax dhib ma laha inaan wada sheekaysano oon wada raaxaysano waayo waan is guursanaynaa, guurka ayuu kusoo gabbanayaa si uu sharafteeda u dilo marka uu dantiisa gaaro oo uu taabto jirkeeda kaddib ayuu ku dhahayaa gabar jirkeeda ii dhiibtay miyaan ku aamini karaa mustaqbalkayga mid kale ayuu raadinayaa iyadana meesha ayuu uga tagayaa, laakin ninka guurdoon daacad ah sidaas ma aha.
Maxaa lagu gartaa naagta jacayl been ah kula dhaqmayso
First of all, you should know that matters are destined, the person you are going to marry is written for you, even so, you are still required to seek what is good, when men are dating, most of them lie to the girl, except for a few, when a man who is faithful to marriage is known to be a polite person who considers the girl as he considers his sister and does not want evil and trouble, he does not lie to her and does not play with her, but a man who wants to cheat and is not faithful to marriage, as soon as he asks the girl to play with him and go to many places together, he starts to desire her body to enjoy or enjoy with her on the phone, he tells the girl that you are my future, it does not matter if we talk and enjoy together because we are getting married, he hides in marriage to kill her honor when he gets his way and touches her body, then he says to the girl that she gave me her body, can I trust her with my future, he is looking for someone else and leaves her there, But a faithful husband is not like that.
