Maxaa sababa inaan qabsan waayo howlahayga caadiga ah

Su’aasha:

Walaal badanaa waxaan isku arkaa inaanan qabsan karin waxyaabaha dantayda ku xiran sida inaan salaada subax soo koco wey igu adag tahay howlo markaas aan rabay inaan qabsado waan ka caajisaa oo niyada waxay i leedahay dib ka dhigo astaamahaas qofka haduu isku arko mala dhihi karaa qofka inay heyso jirooyinka ruuxiga?

Maxaa sababa inaan qabsan waayo howlahayga caadiga ah
Maxaa sababa inaan qabsan waayo howlahayga caadiga ah

Jawaabta:

Qofka marka howl uu qabanayo waa inay jiraan waxyaabo ku xambaaraya oo natiijo leh, taas tusaale ahaan marka adiga si kedis aad ku aragto wax noloshaada halis galinaya oo kugu soo socda isla markii waad boodaysaa isma dhahaysid dib u dhig boodidda, taas waxa keenay waa natiijada ka imaan karto haddaadan ka boodin meesha.

Sidaas ku qiyaas wax walbo aad qabanayso, waxaa lagaa rabaa inaad eegto waxa ka imaan kara iyo natiijada ka dhalan karta.

Go’aan adag waa inaad ka gaartaa waxa aad qabanayso.

Teeda kale way dhici kartaa il inay jirto waxaa lagaa rabaa inaad ka magangasho Alle oo aad akhrisato quraanka iyo adkaarta.

Illeen isha waa wax jiro, dadka qaarkii qofka firfircoon il ayay ku dhufan karaan marka taasna waa laga yaabaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More