Mar kastoo quraan akhris aan bilaabo waxaan soo xasuustaa gabadh aan aqaano
Su’aasha:
Asc Daruur.com, waxa jirta arrin aan aad ulayaabay arrintaasoo ah markasta oo aan bilaabo akhriska qur,aanka gaar ahaana suuratul axzaab waxaan soo xasuustaa gabadh aan illaa yaraantii aqoon is kulahayn oo aanu madarasad wada dhiganjirnay,, xataa mararka qaar markaan taraawiixda tukanayo qur,aankana cod macaan lagu akhrinayo way i hor imanaysaa! Muddo laba sano kahor ah ayaanu xidhiidh yeelannay lkn xidhiidhkayagii muu guulaysanin aniguna gabadh kale ayaan guursaday dhawaaan. Inantaa aan kahadlayaa waa inan ehlu diin ah oo wanaagsan, bal arrintaasi maxay noqonkartaa
