Malmalka maxaa lagu daaweeyaa
Waa maxay malmal? maxaa see lagu yiraahdaa afka ingiriiska iyo afka carabiga?Malmalka english lagu yiraahdaa “Myrrh“, afka carabigana waa “مر“Geedka malmalka wuxuu dhererkiisa gaarayaa afar mitir wuxuu leeyahay laafo qodax leh, qaabka malmalka lagaga soo saaro waa in la jeexo geedka markaas ayuu dhacaan soo deynayaa dhacaankaas ayaa noqda malmalka.Malmalka wuxuu ka Baxaa Soomaali iyo Yemen iyo waqooyiga Africa iyo Jaziiradda carabta.
Nooca ugu fiican waa midka nadiifka ah oo aan carro lahayn.malmalka wax badan ayuu taraa daawo ahaan dadkii hore aad bay u adeegsan jireen, wuxuu yiri Arraazi:
Sidoo kale malmalka waxaa habboon inaan layska badinin adeegsigiisa wuxuu keenayaa dhibaatooyin daran marka layska badiyo waxaa dhici karta qandho iyo shuban inuu qofka u keeno marka uu iska badiyo, sidoo kale qofka marka uu qaato wax badan waxaa laga yaabaa inuu kelliya u keeno wax lagu magacaabo afka ingiriiska “Kidney irritation“Dadka la rabo inay ka digtoonaadaan adeegsiga malmalka:Dadka sokorta qaba waa inay iska jiraan isticmaalka malmalka, waxaa isdiidaya malmalka iyo daawada sokorta.
Haweenka uurka leh iyo kuwa naaska nuujinaya iyagana waa inay iska ilaaliyaan, naagaha uurka leh waxaa dhici karta inuu ilmaha kasoo rido.
Sidoo kale dadka la qalay iyagana waxaa laga rabaa inay iska jiraan isticmaalka malmalka.
Naagaha dhiiga ka socda iyagana waa inay iska ilaaliyaan waayo wuxuu siyaadiyaa dhiigshubanka ilamagaleenka, xataa naagaha caadada kasoo daahdo hadday malmal cabbaan waxaa laga yaabaa inuu dhiiga ka keeno.
Dhegeyaraha (Clove) Siduu Ugu Roon Yahay Raganimada
Malmal In English:
What is myrrh? What is it called English and Arabic? Myrrh is called “Myrrh” in English, and in Arabic it is “مر” The myrrh tree reaches the height of four meters and has thorny branches, the way the myrrh is extracted is to tear the tree and then it falls and releases the fall becomes myrrh. Malmalka grows in Somalia and Yemen and north Africa and the Arabian Peninsula.
They said myrrh’s benefits are as follows: Myrrh protects the liver from poisoning and it fights cancer and reduces pain.It also treats infection-related diseases.Also myrrh is used to treat the person and the digestive system when it becomes difficult and wounds and stomach disease it is also a cure for constipation and throat closure when a person has a cold. Myrrh can be cooked as tea and then drunk, or rinsed.