Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay

Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay

Qofka ku ducaysta magacyada Alle wuxuu helayaa ajir weyn, magaca Alle kan ugu weyn wuxuu ku dhex jiraa magacyada Alle, shaki kama taagna qofka mar walba ku ducaysta magacyada Ilaahay inuu mar la waafajinayo magaca ugu weyn.

Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay
Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay

Magacyada Alle sida quraanka lagu sheegay way badan yihiin wuxuu Alle quraanka ku sheegay in lagu xusi karo Alle magac kaste uu leeyahay, wuxuu yiri Alle:

{وَلِلَّهِ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى فَادْعُوهُ بِهَا وَذَرُوا الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي أَسْمَائِهِ}

(Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen)

wuxuu yiri Alle:

(قُلِ ادْعُوا اللَّهَ أَوِ ادْعُوا الرَّحْمَٰنَ ۖ أَيًّا مَّا تَدْعُوا فَلَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ ۚ)

(Dheh ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican)

xadiis saxiix ah ayaa kusoo arooray oo uu leeyahay nabiga (SC) :

(للهِ تبارَك وتعالى تِسعةٌ وتسعونَ اسمًا مَن أحصاها دخَل الجنَّةَ)

(Alle waxaa u sugnaaday sagaashan iyo sagaal magac qofkii koobo (xifdiyo) jannada ayuu galaa)

Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim iyo Dabaraani lafdigana Dabaraani ayaa iska leh

Waxaa laga wadaa qofkii macnahooda ku dhaqmo oo ilaaliyo oo Alle ku baryo jannada ayuu galaa>

Culimada magacyada way isku khilaafeen qaar ka mid ah, waxay kala soo baxeen aayadaha iyo axaadiista sagaashan iyo sagaalka caanka ah, marka halkan waxaad ka helaysaan iyagoo af soomaali loo tarjumay, waxaana lasoo qaatay macnaha ugu caansan magac kaste uu leeyahay, waxaa kaloo jira magacyo badan ka mid ah magacyada Alle waxaa lagu macneeyay macaani kala duwan laakin halkan waxaan soo qaadanay hal macne oo ugu caansan qofka raba inuu fahmo guud ahaan.

Qofka soomaaliga garanaya marka af somali uu ku fahmo aad buu uga faa’idaa inshaa Allaah.

Halkan ayaad ka ogaan kartaa magacyada Alle ee sagaashan iyo sagaalka 99 iyagoo af soomaali loo tarjumay.

Macnaha af soomaali ayaa lagu fasiray.

Magacyada Ilaahay 99 الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
Magacyada Ilaahay 99 الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى
اللهAllaah waa magaca ugu weyn oo Alle kaligii u gaar ah
الرحمنMidka naxariista guud leh
الرحيمMidka naxariista gaarka leh
الملكMidka boqorka ah
القدوسKan ka hufan xumaan oo dhan
السلامKan nabadda bixiya
المؤمنKan addoomihiisa u rumeeya wuxuu ka ballanqaado
المهيمنKan wax kasta ka adag
العزيزMidka awoodda iyo sharafta leh 
الجبارMidka qasbaya waxa uu doono
المتكبرMidka kibirka badan
الخالقMidka wax abuura
البارئMidka wax uuma
المصورMidka wax sawira
الغفارMidka dambidhaafka badan
القهارMidka wax kaste ka adag oo maquuniya
الوهابMidka hibada badan
الرزاقMidka wax arsaaqa
الفتاحMidka wax walba fura
العليمMidka cilmiga badan
القابض الباسطMidka wax walba qabta oona fidiya
الخَافِض الرافعMidka wax walba hoos u dhiga korna u qaada
المعز المذلMidka wax kaste ciseeya oona dulleeya
السميعMidka wax walba maqla
البصيرMidka wax walba arka
الحكمMidka garsoorka ah
العدلKan cadaaladda sameeya
اللطيفKan dhimrinta badan
الخبيرKan wax kaste guntiisa og
الحليمMidka dulqaadka badan
العظيمMidka weyn
الغفورMidka dambidhaafka badan
الشكورMidka wax yar ka oggolaada addoomihiisa
العليMidka sarreeya
الكبيرMidka weyn
الحفيظMidka ilaalinta badan
المقيتMidka quudka siiya khalqiga oo dhan
الواسعMidka naxariistiisa ay deeqday khalqigiisa
الحسيبMidka ku filan addoomihiisa
الجليلMidka weyn
الكريمMidka deeqsiga ah
الرقيبMidka kormeera wax walba
المجيبMidka ajiiba addoomaha
الحكيمMidka xigmadda badan
الودودMidka jecel addoomihiisa isagana ay jecel yihiin
المجيدMidka qiimaha iyo sharafta leh
الباعثMidka soo saara wax walba
الشهيدMidka markhaati ka ah wax walba
الحقMidka xaqqa ah
الوكيلMidka la talasaarto
القويMidka xoogga leh
المتينMidka adag
الوليMidka u gargaara addoomaha
الحميدMidka mahadda mudan
المحصيMidka wax walba kooba
المبدئMidka wax bilaaba
المعيدMidka wax soo celiya
المحييKan wax nooleeya
المميتKan wax dila
الحيKan nool
القيومKan  u taagan addoomihiisa
الواجدMidka wax walba haysta
الماجدMidka dhamaystiran aan wax  u baahnayn
الواحدMidka halka ah
الأحدMidka kaliga ah
الصمدMidka loo qasdo oo loo baahan yahay
القادرMidka awoodda leh
المقتدرMidka awoodda u leh hagaajinta wax walba
المقدمKan hormariya wax walba
المؤخرKan dib u dhiga wax walba
الأولKan ugu horreeya
الآخرKan ugu dambeeya
الظاهرKan muuqda
الباطنKan qarsoon
الواليKan iska leh wax walba kuna tasarufa
المتعاليKan sarreeya
البرKan samafalka badan
التوابKan towbadaqbalka badan
المنتقمKan ka aarsada daalimiinta
العفوKan cafiska badan
الرؤوفKan dhimrinta badan
مالك الملكKan mulkiga iska leh
ذو الجلال والإكرامKan weynida iyo maamuuska iska leh
المقسطKan cadaaladda ooga
الجامعKan wax soo kulmiya
الغنيKan hodanka ah
المغنيKan wax hodan ka dhiga
المعطيKan wax bixiya
المانعKan wax reeba
الضارKan dhibka keena
النافعKan waxtarka keena
النورMidka nuurka ah
الهاديKan wax hanuuniya
البديعKan wax walba abuurkiisa bilaabay
الباقيKan sii jiraya
الوارثKan wax kaste dhaxlaya
الرشيدKan hanuunka siiya addoomaha
الصبورKan sabarka badan

Haddii aad mel kale u qaadayso fadlan webka daruur.com inaad kasoo qaadday xus.

Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More