Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay
Magacyada Alle 99-ka oo af Soomaali loo tarjumay
Qofka ku ducaysta magacyada Alle wuxuu helayaa ajir weyn, magaca Alle kan ugu weyn wuxuu ku dhex jiraa magacyada Alle, shaki kama taagna qofka mar walba ku ducaysta magacyada Ilaahay inuu mar la waafajinayo magaca ugu weyn.
Magacyada Alle sida quraanka lagu sheegay way badan yihiin wuxuu Alle quraanka ku sheegay in lagu xusi karo Alle magac kaste uu leeyahay, wuxuu yiri Alle:
{وَلِلَّهِ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَى فَادْعُوهُ بِهَا وَذَرُوا الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي أَسْمَائِهِ}
(Eebe waxaa u Sugnaaday Magacyo Wanaag badan, ee ku Barya, Iskagana taga kuwa leexin Magacyadiisa, waxaannu ka abaal marin waxay Camal falayeen)
wuxuu yiri Alle:
(قُلِ ادْعُوا اللَّهَ أَوِ ادْعُوا الرَّحْمَٰنَ ۖ أَيًّا مَّا تَدْعُوا فَلَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ ۚ)
(Dheh ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican)
xadiis saxiix ah ayaa kusoo arooray oo uu leeyahay nabiga (SC) :
(للهِ تبارَك وتعالى تِسعةٌ وتسعونَ اسمًا مَن أحصاها دخَل الجنَّةَ)
(Alle waxaa u sugnaaday sagaashan iyo sagaal magac qofkii koobo (xifdiyo) jannada ayuu galaa)
Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim iyo Dabaraani lafdigana Dabaraani ayaa iska leh
Waxaa laga wadaa qofkii macnahooda ku dhaqmo oo ilaaliyo oo Alle ku baryo jannada ayuu galaa>
Culimada magacyada way isku khilaafeen qaar ka mid ah, waxay kala soo baxeen aayadaha iyo axaadiista sagaashan iyo sagaalka caanka ah, marka halkan waxaad ka helaysaan iyagoo af soomaali loo tarjumay, waxaana lasoo qaatay macnaha ugu caansan magac kaste uu leeyahay, waxaa kaloo jira magacyo badan ka mid ah magacyada Alle waxaa lagu macneeyay macaani kala duwan laakin halkan waxaan soo qaadanay hal macne oo ugu caansan qofka raba inuu fahmo guud ahaan.
Qofka soomaaliga garanaya marka af somali uu ku fahmo aad buu uga faa’idaa inshaa Allaah.
Halkan ayaad ka ogaan kartaa magacyada Alle ee sagaashan iyo sagaalka 99 iyagoo af soomaali loo tarjumay.
Macnaha af soomaali ayaa lagu fasiray.
الله | Allaah waa magaca ugu weyn oo Alle kaligii u gaar ah |
الرحمن | Midka naxariista guud leh |
الرحيم | Midka naxariista gaarka leh |
الملك | Midka boqorka ah |
القدوس | Kan ka hufan xumaan oo dhan |
السلام | Kan nabadda bixiya |
المؤمن | Kan addoomihiisa u rumeeya wuxuu ka ballanqaado |
المهيمن | Kan wax kasta ka adag |
العزيز | Midka awoodda iyo sharafta leh |
الجبار | Midka qasbaya waxa uu doono |
المتكبر | Midka kibirka badan |
الخالق | Midka wax abuura |
البارئ | Midka wax uuma |
المصور | Midka wax sawira |
الغفار | Midka dambidhaafka badan |
القهار | Midka wax kaste ka adag oo maquuniya |
الوهاب | Midka hibada badan |
الرزاق | Midka wax arsaaqa |
الفتاح | Midka wax walba fura |
العليم | Midka cilmiga badan |
القابض الباسط | Midka wax walba qabta oona fidiya |
الخَافِض الرافع | Midka wax walba hoos u dhiga korna u qaada |
المعز المذل | Midka wax kaste ciseeya oona dulleeya |
السميع | Midka wax walba maqla |
البصير | Midka wax walba arka |
الحكم | Midka garsoorka ah |
العدل | Kan cadaaladda sameeya |
اللطيف | Kan dhimrinta badan |
الخبير | Kan wax kaste guntiisa og |
الحليم | Midka dulqaadka badan |
العظيم | Midka weyn |
الغفور | Midka dambidhaafka badan |
الشكور | Midka wax yar ka oggolaada addoomihiisa |
العلي | Midka sarreeya |
الكبير | Midka weyn |
الحفيظ | Midka ilaalinta badan |
المقيت | Midka quudka siiya khalqiga oo dhan |
الواسع | Midka naxariistiisa ay deeqday khalqigiisa |
الحسيب | Midka ku filan addoomihiisa |
الجليل | Midka weyn |
الكريم | Midka deeqsiga ah |
الرقيب | Midka kormeera wax walba |
المجيب | Midka ajiiba addoomaha |
الحكيم | Midka xigmadda badan |
الودود | Midka jecel addoomihiisa isagana ay jecel yihiin |
المجيد | Midka qiimaha iyo sharafta leh |
الباعث | Midka soo saara wax walba |
الشهيد | Midka markhaati ka ah wax walba |
الحق | Midka xaqqa ah |
الوكيل | Midka la talasaarto |
القوي | Midka xoogga leh |
المتين | Midka adag |
الولي | Midka u gargaara addoomaha |
الحميد | Midka mahadda mudan |
المحصي | Midka wax walba kooba |
المبدئ | Midka wax bilaaba |
المعيد | Midka wax soo celiya |
المحيي | Kan wax nooleeya |
المميت | Kan wax dila |
الحي | Kan nool |
القيوم | Kan u taagan addoomihiisa |
الواجد | Midka wax walba haysta |
الماجد | Midka dhamaystiran aan wax u baahnayn |
الواحد | Midka halka ah |
الأحد | Midka kaliga ah |
الصمد | Midka loo qasdo oo loo baahan yahay |
القادر | Midka awoodda leh |
المقتدر | Midka awoodda u leh hagaajinta wax walba |
المقدم | Kan hormariya wax walba |
المؤخر | Kan dib u dhiga wax walba |
الأول | Kan ugu horreeya |
الآخر | Kan ugu dambeeya |
الظاهر | Kan muuqda |
الباطن | Kan qarsoon |
الوالي | Kan iska leh wax walba kuna tasarufa |
المتعالي | Kan sarreeya |
البر | Kan samafalka badan |
التواب | Kan towbadaqbalka badan |
المنتقم | Kan ka aarsada daalimiinta |
العفو | Kan cafiska badan |
الرؤوف | Kan dhimrinta badan |
مالك الملك | Kan mulkiga iska leh |
ذو الجلال والإكرام | Kan weynida iyo maamuuska iska leh |
المقسط | Kan cadaaladda ooga |
الجامع | Kan wax soo kulmiya |
الغني | Kan hodanka ah |
المغني | Kan wax hodan ka dhiga |
المعطي | Kan wax bixiya |
المانع | Kan wax reeba |
الضار | Kan dhibka keena |
النافع | Kan waxtarka keena |
النور | Midka nuurka ah |
الهادي | Kan wax hanuuniya |
البديع | Kan wax walba abuurkiisa bilaabay |
الباقي | Kan sii jiraya |
الوارث | Kan wax kaste dhaxlaya |
الرشيد | Kan hanuunka siiya addoomaha |
الصبور | Kan sabarka badan |
Haddii aad mel kale u qaadayso fadlan webka daruur.com inaad kasoo qaadday xus.
Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah