Site icon Daruur درور

Madinimada inay keento malaga yaabaa dabeecad xumo iyo maseyr

Su’aasha:

asc Bahda daruuro waxan ahay nin dhalinyaro ah waxan ladhibanahay kalsooni daro, dabeecad xumo, sidoo kale maseer kali socodna waan ahay sidoo kale waxan ahay nin kaligii meel kuso koray yacnii madi ah wax walaal ah oo dhanka hooyo ah majirto aabe iyo hooyana anoo yar ayay isku dhaceen marka inaad kaligaa sookortay masababtaa xaalad nafsi ah sida kalsooni darada maxaase dawo u ah ? marka iiga soo jawaaba fadlan.

Madinimada inay keento malaga yaabaa dabeecad xumo iyo maseyr
Madinimada inay keento malaga yaabaa dabeecad xumo iyo maseyr

Jawaabta:

Dhaqanka qofka ama dabeecadda uu yeelanayo in badan ayaa kagag timaado nolosha uu soo marayo, qofka marka uu madi yahay aad baa loo koolkooliyaa, mayac ayaa laga badiyaa, taas waxay keenaysaa inuu noqdo qof kibir ku korayo, hadhow marka uu waxaas waayo niyadjab iyo kalsooni darro ayuu ka qaadaa, laakin qofka marka uu ilmo kale lasoo barbaaro nolosha wax badan ayuu ka baranayaa, ma helayo koolkoolis badan, taas waxay keenaysaa yaraantiisa inuu usoo barto ad’adayg iyo dulqaad.

Marka hadda waxaad isku daaweyn kartaa inaad waxbarato waliba inaad diinta wax ka barato sida akhlaaqda qofka loo toosiyo dhaqanka fiican sida loola yimaado iyo Alle sida looga baqo, waxaas oo dhan naftaada ayay kalsooni siinayaan,  waxaad noqonaysaa qof aad u fikiraya oo garanaya dantiisa.

Sidoo kale dhaqaankaaga wax ka badal, saaxiibo fiican samayso dadka wanaagsan dhexgali, la socodka dadka fiifiican noloshaada wax badan ayuu badalayaa.

Exit mobile version