Site icon Daruur درور

Lacag ayaan qof ka qaatay sideen ugu celiyaa

Su’aasha:

Asc

Asc wallo waxan kaga bahanahay talo yar in aad isiiso madama talaada ay tahay mid diinii ah waxan ahay wiil dhalinyaro ah waxan lacag yar oo xaraam ah ka cunay wiil aan saxiibo nahay lacagta waxan raba inan u celiya balse sidaan ugu celiya aan ku dhaha lacagtas waan ka cunay ii caafii ama aan ku siiyo madama aan u bahana markas shaydan igu qaaday balse hadda aan ka shalaayay waxan sameeyay ilaa haddana aan ka towbad keenay.

1. waxan maaliin walbo la imaada dambi dhaaf badan waxana alle weydiista in uu lacagtas aan cunay iga guda oo faraj kale alle uu fura anoo ku dadaale xuska alle marka waallo Salaada aan ku tukada lacagtas xaraam ah iyo tasbiixda aan badsada ma la iga aqbala waana ka towbad keenay waxas oo dhan.

2. Haddii aan ninka u tago aan dhaha lacagta waan cunay dan baa ii haysatay howshii aad igu dirsatay waan ka soo bixi wayay lacagtiina anaa isticmaalay ee aan ku guda ama yar yar aan ku siiyo waxana ka cabsanaya in uu dacwo igu soo oga madama si qiyaamo ah ugu cunay lacagta waana ka walbaharsanahay lacagtas inta aan qabana ma nasto oo waan ka shalaya markasto alle dambi dhaaf aan weydiista.

F.G wallow Maxaa sameeya sideen lacagtas ku biixiya ama ninka ku siiiya asaga aan dhibaato ii geysan Talo isii wallo qalbiga igu daga. Tankale Cibaadada aan sameeya Sida Salaada iyo Tasbiixda alle ma iga aqbalaya inta lacagtas xaraaamta la igu leeyahay. waan walwalsanahay walahi.

Lacag ayaan qof ka qaatay sideen ugu celiyaa
Lacag ayaan qof ka qaatay sideen ugu celiyaa

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa in Ilaahay towbadda aqbalo markuu addoonka usoo laabto, teeda kale camalka aad samaynayso sida salaadda iyo soonka iyo taasbiixda haddii shuruudoodi ay dhammaystirtaan waa kaa ansaxayaan, qofka hadduuu dambi galayo oo uuna salaad tukanayo taas macnaheeda ma aha inaan salaadda laga aqbalaynin.

Marka hantida aad sheegtay waa xaq dusha kaa saaran haddii aad cuntay, shuruudaha towbadda marka xaq aadne ku jiro waa inaad u celisaa xaqiisa,  waxaa waajib kugu ah inaad guddo hantidaas haddii aad awoodi weyso qofkaas inaad u sheegto oona aad rabto inaad hantidiisa u celiso waxaad samayn kartaa markaad hesho hantida inaad hadiyad ahaan ugu geyso ama oo aad tiraahdo adiga ayaa wax weyn ii qabtay sidaa awgeed hantidan iga guddoon.

Maadaama aad ogaatay inaad dembi gashay oona aad ka towbad keentay Ilaahay wuxuu ku waafajinayaa inaad guddo hantidaas niyaddaada khayr u sheeg.

Shaydaanka wuxuu kaa dhaadhicinayaa in salaad lagaa aqbalaynin waayo wuxuu rabaa inaad sii fogaato.

Ilaahay haku waafajiyo guditaanka hantidaas.

Exit mobile version