Ku dhawaad 15-sano ayaan la daalaadhacayaa qaraw iyo jir jajab
Su’aasha:
Iga gudooma salaan la isku salaamo tan dunida guudkeeda ugu wanaagsan. Salan kadib, howsha aad dadkiina u haysaan, ajir iyo xasanaad aan la soo koobi karin Allaha idinka siiyo.
Intaa kadib, waxaan ku dhawaad 15-sano la daalaadhacayaa qaraw aanan garanayn waxaan ku fasiro. Markaan habeenkii sariirta tego, waxaan ahay ruux uu xiskiisa shaqeeyo balse jismigiisa uu sariirta yaallo. Subixii waxaan soo toosaa anigoo daalan, xubnaha aanan qaadi karin, afka nab ku leh, il go’an sidii qof safar dheer soo galay oo kale, shaqada aanan niyad u hayn. Arimahaan marba waa si. Mararka qaar waxoogaa waan iska roonahay, mararka qaarna qadka ayaan ka baxaa.
Mararka qaar waxaan ku qarwaa anigoo wax dilaayo ama lay dilaayo. Dhowr jeer ayaan Quraan isa saaray, adkaartana inta badanaa waan aqristaa habeenkii, laakiin wax is bedel ah ma hayo. Marka bal waxaad igu dhaantaan oo talo, tusaale iyo cilm ah igu caawiya insha allaah. Mahadsanidiin.
