Kastuumada ama dharka gudaha cudur ma keenaa

Underwear diseases for men and women

Kastuumada ama nigiska waa dharka gudaha oo lagu asturo cowrada hoose. waa maxay cudurka ay keeni karaa?

waa dhar si dhaqsi ah ku wasakhoowa, taasna waxaa sabab u ah xubnaha taranka aad bay u kululaadaan marka dhidid ayaa  ka dhasho kuleylka baruurta jirka hoose marka meesha isla markii ayay is baddalaysaa, qofka waxaa laga rabaa inuu aad ugu dadaalo nadaafadda jirka hoose, waayo marka meesha aad ay u wasakhowdo wasakha batay ayaa jirrooyinka maqaarka keena.

Kastuumada ama dharka gudaha cudur ma keenaa
Kastuumada ama dharka gudaha cudur ma keenaa

jiradaas oo noqon karta mid dhib u keenaysa xubnaha taranka, sidoo kale waxay qofka u keenaysaa cuncun daran oo xitaa asoo jooga meelaha dadka ka dhexeeya xoqaya taas oo dhib ku ah qofka.

rag iyo dumarka waa la kulmaan dhibkaas laakin dumarka ayaa ku badan taasna waxaa sabab u ah naagaha dhacaan baa kaga soo baxa cambarka ama farjiga dhacaankaas naagaha way ku kala duwan yihiin hablo waxaa jira dhacaan badan leh ama meesha aad uga dhidido ama dhacaan jirro wata ka yimaada oo marka nigiska oo dhan wasakh ka noqda wasakhaas aruuray ayaa dhliya dhibaatooyin la soo gudboonaan kara gabadha.

sidoo kale waxaa sii kordhiga marka ninka ama naagta aysan iska xiirin shuunka ama timaha kasoo baxo hoos, kuwaas oo halis ah marka ay wasakh noqdaan sidaas awgeed diinta waxay fartay qofka inuu iska xiiro timaha hoose oo loo yaqaano shuun ama bisqin.

marka cudurka cun cunka qofka wuxuu inta badan ka qaadaa nadaafad xumida siiba nadaafadda la xiriirta kastuumada aan la iska baddalin dhaqsi  ama tinta hoos aan layska xiirin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More