Asc wll waxaa ui sheegtaa kaniiniga faverin 100ml waxa uu taro waxa uu gudo inta la isticmaali karo meelaha lagu gado iiga jawaab iina kala dhig dhig mid walba iiga soo jawaab
Mahadsanid.
Jawaabta:
Kaniiniga faverin 50ml iyo 100ml waxaa loo adeegsadaa jiirrooyin badan waxaa ka mid ah:
waswaaska daran
iyo cabsida daran
iyo istreeska
iyo naxdinta daran
wuxuuna yarayn karaa kacsiga daran.
Waxaana laga heli karaa farmashiyaha, haddii aan laga helin meesha aad joogto waxaa laga yaabaa daawo la mid ah in laga helo oo magac kale wadato, sida kaniiniga Fluvoxamine, waxaad weyddiisaa dhakhaatiirka joogta meesha aad ku nooshahay.
Ma aha inaad isticmaasho bil in ka badan maalintiina hal ayaa kugu filan natiijo ayaad ka heli doontaa inshaa Allaah.