Kacsiga markuu xanuun isu badalo maxaa talo ah

Su’aasha:

Bahda webka daruur khayr Allaah ha isin siyo sida aad ugu faa’idaynaysan umada somaliyed dhib aya i haysta waxan ahay gabar 26 jir ah waxan daremaa kacsi aad u daran iyo xanuun xubinta taran oo dhan marka an maskaxda iga soo galan wax lagu kacsado xataa markan nin arko xanunka caloosha hoosteeda ayu garaa meesha gumaarka ka koraysa waxaa iga soo daata dhacaan badan oo kaadi oo kale u badan shaki ayay ugu abuuraan maalin kaste waan qobaystaa aad ayan u dhibanahay maxaan sameya ila taliya.

Kacsiga markuu xanuun isu badalo maxaa talo ah
Kacsiga markuu xanuun isu badalo maxaa talo ah

Jawaabta:

Ku soo dhowoow webka Daruur, midda labaad waxaa kugu habboon inaad guursato, haddii aysan hadda arrintaas kuu suurtagalaynin waxaa kugu habboon inaad isku mashquuliso waxyaalo ka baxsan dareenka iyo galmada maxaayeelay hormoonaadkaaga kacsiga ayaa xoog badan,  marka aad si daran u kacsato xanuun ayuu isu baddalaa kacsiga, waayo dhiigga ayaa kasoo buuxsama xubnaha taranka qofka marka uu kacsi dareemo, haddii aysan galmo dhicin xanuun ayuu dareemaa qofka, biyaha badan kaa daanayana waa kuulato ama biyaha kasoo horreeya raaxada kacsiga naagaha qaar aad bay ugu badan yihiin biyahaas, biyaha kuulatada qofka qubayska kuma waajibiyaan hadday kasoo baxaan, biyaha manida ayaa qubays waajibaiya, haddii biyaha dhareerka ah oo jiijiidma ay kaasoo baxaan waa inaad iska dhaqdaa kaliya weysadana way jabiyaan.

Xal waxaa kuu ah guur haddii aysan suurtagal ahayn waa inaad ka fogaataa wax kastoo dareenkaaga kicin kara akhris sheekooyinka galmada ama jacaylka sidoo kale cuntada badan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More