Kaadida badan ma caafimaad xumo ayay la xiriirtaa?
Su’aasha:
Walaal waxaan isku arkay markaan biyo badan cabo ama shaah aan cabo waxaan isku arkaa kaadi badan siiba xilliyada qabowgu jiro balse xilliyada iska caadiga ee duhurka saas uma dareemo inay kaadi i heyso si kasta haadan biyo u cabo cileyn waa dhididaa waqtigaas.

Jawaabta:
Qofkii biyo badan cabbo inuu in badan kaadsho waa wax dabicii ah, siiba xiliga qabowga maxaayeelay jirka biyaha siyaadada xiliga qabowga meel aan kaadi ahayn kuma bixin karo, laakin xiliga kulaylka biyaha jirka ayaa u baahan sidoo kale dhididka ayay soo raacaan.
Guud ahaan kaadida badan marka biyo badan la cabbo jiro ma aha, kaadida waxay jirro tahay marka qofka biyihiisa ay yar yihiin haddana si daran uu musqusha u galo, marka aad bay u fiican tahay kaadida badan marka qofka biyo badan cabbo, waayo jirka waxay ka nadiifisaa sunta iyo waxyaalaha dhibka u keeni kara, biyaha badan ku dadaal haka walwalin kaadida badan.
It is natural for a person who drinks a lot of water to urinate a lot, especially in the cold season because the body cannot expel excess water in the cold season through urine, but in the hot season the body needs water and sweats too.
In general, excessive urination when drinking a lot of water is not a disease, urination is a disease when a person’s water is low and he goes to the bathroom in a hurry, so it is very good to urinate a lot when a person drinks a lot of water, because it cleanses the body of toxins and things that can cause harm, try to drink a lot of water and do not worry about excessive urination.
