Jeexjeexa jirka raga iyo cuntada jimicsiga

Su’aasha:

Asc wll mcn waxaan samayn jiray subaxdii labo xabo oo ukun ah ayaan cuni jiray qado fcn habeenkii na digirta guriga taala kala bar ayaan cuni jiray futadayda iyo bowdadayda waxaan ku arkay jeex jeex tiro badan gacmaha sare jeex jeex yar kilkisha oo asagana jeex jeex yar leh shuluqna maahi
Shaax macabo shanjibiisha waan iska ilaaliyaa si ay jirkayga wax uga badalin
Waxaan ku dabadayan jiray dadkaan gymka dhigta ana gym ma dhigto xoogaa exercise fcn ayaa guriga kusameeya bis hadaan xoogaa is dhuubana waxaan is dhahayaa qayrkaa waad ka haraysaa gabdhahana kuma jeclaanayaan
Dadkana kuma qiimaynayaan
Subaxdii oo kle intee ukun igu filan ?
Maxaana iga baabi in kara jeex jeexa ?
Mida kle ragana magalaa jeex jeexa mise waa dumar kliya ?
Masamayn karaa cuntada guriga laga kariya bis maigu filan tahay oo ma isku dhisi karaa?
Dadka exerciseka sameeyana cuntaday u cunaan?
Suaasha iigu dambaysa hadaan rag ahay xooga dhuubnaanta miyaa ii fcn mise feero wayn?
. Dad daydana waa 19 sano jir
Mahadsanid

Jeexjeexa jirka raga iyo cuntada jimicsiga
Jeexjeexa jirka raga iyo cuntada jimicsiga

Jawaabta:

Jeejeexa jirka wuxuu ka dhashaa isbadalka miisaanka jirka marka qofka uu buurnaa uu jirkiisa soo yaraado, maqaarka ayuu ka dhigaa mid faraaqo ah wuxuu yeelanaa jeexjeex, rag iyo dumarba way ku dhici kartaa arintaas ee dumarka kuma koobna.

Ukunta ha iska badanin quraacda ka dhigo maalin kaste hal ukun ama labo.

Cuntada guriga haddii ay kala duwan tahay waa okey, cuntada kala duwan ayaa jirka u roon, waa inay qudaar ku jirtaa, ogow cuntada fiican jirka way dhistaa.

Cuntada dadka jimicsiga sameeya waxaa ugu fiican canaanaha fadhiga iyo furuutka iyo ukunta iyo bataatiga macaan badarka noolnool iyo looska iyo kaluunka.

Guud ahaan cayilka raga uma fiicna ninka waxaa la rabaa inuu dhexdhexaad ahaado marka jimicsi aad samayso waad adkaanaysaa xataa haddii aad hilib leedahay.

Jimicsiga jirka ayuu adkeeyaa qofka ma noqono bajaq.

You might also like
2 Comments
  1. Gabar ku riyootay iyado uu guurasanayo nin waalan ama yar
    Yaxye says

    Waad mahadsan tahay waan helay jawaabtayda page kaana aad ayaan ugu xirnahay tabaaraka allah

    1. Gabar ku riyootay iyado uu guurasanayo nin waalan ama yar
      Daruur says

      adaa mudan share gareey si dad badan ay uga faa’idaystaan

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More