Ilmaha beenta sheega sidee looga reebaa

The children who lying, how I protect them from the lie

Su’aasha:

Waxan ku arkay cunugayga inuu been sheego, dhowr jeer ayaan ku arkay, waxyaalo badan ayuu iga qariyaa mana garanayo meesha uu beenta kasoo bartay walaalayaal sideen beenta uga reebi karaa ila taliya.

Ilmaha beenta sheega sidee looga reebaa
Ilmaha beenta sheega sidee looga reebaa

Jawaabta:

Ilmaha beenta waxaa u keena inta badan cabsida iyo kalsooni la’aanta, hadduu cunugga loo garaacayo wax walbo uu sameeyo wuxuu bilaabayaa inuu been adeegsado, marka waxaa habboon inaad kula dhaqanto ilmahaaga si qof weyn oo kale waa inuu kaa dareemaa naxariis iyo jacayl, saaxiib la noqo markaas waxba kaama qarinayo, teeda kale beenta wuxuu ka baran karaa ilmaha uu saaxibka la yahay dugsiga iyo banaanka ku uu la cayaaro taasna beenta way keeni kartaa, si kaste ha ahaatee waxaa lagaa rabaa inaad soo dhoweysato oo aad ka waaniso oo aad diinta barto kalsoonina aad siiso. waxaa kaloo jira ilmahaas inay tooganimo baran karaan waayo beenta fure ayay u tahay arrinkaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More