Hurda yarida maxaa loo isticmaalaa?

Su’aasha:

Asc bahda Mareegta Daruur waan idiin salaamayaa, waxaan ahay qof badanaa isticmaala aaladan baraha bulshada (Social Media), waxaan isku dayaa in habeenkii aan dhaqsi seexdo hadana iima suura gasho oo waxaan badanaa waqtigeyga ku bixiyaa aaladan badanaana hurdadeydu ma aha mid igu filan marka waxaan idiin kaga baahanahay Nuuc dawo ama qudaarta dabiiciga ah, oo loo isticmaali karo si aan u helo hurdo fiican oo igu filan, sidoo kale hurdo yarida maxaa keena oo sabab u ah, si aan kaga feejignaado hada ka dib Mahadsanidiin Bahda Daruur.com.

Hurda yarida maxaa loo isticmaalaa?
Hurda yarida maxaa loo isticmaalaa?

Jawaabta:

Inta badan hurdada waxay u baahan tahay maskaxda inaysan wax ku mashquulsanayn, waxaa lagaaga baahan yahay inaad iska xirto taleefnka marka la gaaro maqribka si aad isugu diyaariso hurdo.
Haddii maskaxdaada ay wax ku mashquulsan tahay hurdada way kaa tagaysaa mana fiicna inaad qaadato daawo hurda keenayso waayo daawada looma baahna inaad isbrto. hurdada waxaa xoojiya Magnesium waxaa laga heli karaa cuntooyinka aan kuu sheegayo oo ah cuntooyin qofka hadduu qaato habeenkii hurdo fiican ku helayo waxaa ka mid ah mooska bambeelmada aananaska caanaha looska.
Cuntooyinkan hurdo culays ayay leeyihiin laakin waxaa ka muhimsan inaad ka dheeraato habeenkii taleefanka iyo mashquulka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More