Teeda kale haweeneydaas waxaan kula talinayaa inay arrintaas gaarsiiso dadka culimada iyo akhyaarta ku nool meesha ay joogto si xaalkeeda wax loogu qabto, waayo qaab kale ma jiro oo xaqeeda loogu soo celin karo.
Teeda kale haddii ay gabadha diiddo taas waxay dambi ku noqonaysaa sidoo kale gabadha illeen 14 sano ayay jirtaa inta badan waa qaangaar, dambi ayaa loo qorayaa haddii ay hooyadeeda xiriirin wayso.
Haddii ay jidadka oo dhan ka soo xirmaan waa inay sabartaa oo Alle ay baryisaa oo aysan maskaxdeeda dhaawin.