Site icon Daruur درور

Hodan Naleye ma dil qorshaysan baa lagu dilay

Hodan Naleye ma dil qorshaysan baa lagu dilay

Hodan Naleye waxay ahayd gabar Soomaliyeed oo dalka u timid inay bulshada isu keento oo ay u adeegto oo ay soomaalida dalkooda jecleysiiso.

laakin waxay ku dhimatay weerarka Hotel kismaayo ku yaalla.

Hodan Naleye ma dil qorshaysan baa lagu dilay
Hodan Naleye ma dil qorshaysan baa lagu dilay

Haddaba dilalka qorshaysan oo ay ku laaynayaan dadka naxariista ay ka dhammaatay wax yar ma aha.

Qof kaste muuqada waxaa la rabaa in codkiisa la qariyo, dilalka qorshaysan aad bay ugu soo bateen soomaaliya.

Tusaale ahaan degmada Afgooye mar kaste waxaa lagu dilaa dadka degmadaas u dhashay oo ah beesha galadi, waxaana lagu dilaa qaab qabyaalad ku salaysan laakin diin lagu daboolay.

Dad badan oo galadi ay ayaa loo dilay inay ka qaybgaleen awgeed shir lagu daaranayay dadka matalo beelahaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Kaliya ma aga meelaha dadka lagu dilayo Afgooye, bal waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho, marka waxaa laga yaabaa Hodan Naleye in lagu dilay dil qorshaysan, dad badanna way ku jireen oo ay dhici karto in iyagana loo jeeday.

Dadka diinta sheeganaya oo iska dhigaya inay yihiin dadka ugui fiican dhabta marka la eego waa dad meelo gaar ah laga soo diray diinna ma haystaan in kastoo qaar ka mid ah aysan ogeyn qaabka loo adeegsado hoggaamiyeyaashooda laakin waa dad fahmi kara xumaanta ay wadaan.

dilalka la fulinayo waa dilal aad loo soo qorsheeyay ma aha dilal la fududeysan karo.

marka sheekada waa la arki doonaa meesha ay ku dhammaanayso.

laakin waxaa xaqiiqa ah inay jirto maalin lagu magacaabo maalinta Qiyaame oo dadkoo dhan ay hor itaagayaan Allaha koonka abuuray oo lakal bixin doono, waxa ugu horreeyay dadka lagu kala xukminayo waa dhiigga.

 

Hodan Naleye Maxaa Lagu Xusuustaa

Exit mobile version