Hodan Nalaaye yaa ka dambeeyay dilkeeda
Hodan Naalaye waa gabar dibadda ka timid gaar ahaan dalka Canada oo dalkeeda usoo noqtay.

qoraalladeeda baraha bulshada marka aad eegto waxaad dareemaysaa inay usoo laabatay dalka iyo dadka.
Hodan waa gabar hammi weyn u xambaarsanayd jacaylka dadka soomaaliyeed.
marka waxaa laga soo horjeedaa qof kaste oo soomaali ah oo dalkiisa raba inuu wax u qabto.




dilalka ka socda soomaaliya oo lala beegsanayo dadka loo maleynayo inay soomaali dhaqaajinayaan aad bay usoo bateen.
marka qaraxyada la fulinayo si fiican ayay u qorsheysan yihiin.
soomaali cadow badan ayay leedahay, meel gaaban ayay wax ka eegaan laakin sheekada aad bay u weyn tahay.
Hodan Naaleye inta badan waxay ka hadli jirtay soomaali iyo xaalka dalka waxay kasoo tagtay Canada si dalkeeda ay ugu shaqeyso oo dadka soomaaliyeed ay garab istaagto.