Hilib geel weysada ma jabiyaa

Does camel meat invalidate ablution?

Su’aasha:

Hadaan cuno qado ama casho bariis iyo hilib geel anoo wayso qaba maku tukan karaa waysadaas hlibka geela miyaa sida hurdada iyo istinjada jawaab degdeg.

Hilib geel weysada ma jabiyaa
Hilib geel weysada ma jabiyaa

Jawaabta:

Culimada fiqiga way isku khilaafeen hilibka geela inuu weysada jabiyo iyo in kale, taasna waxaa keenay xadiiska kusoo arooray oo laysku khilaafay fasirkiisa culimada u arkay inuu khaas yahay waxay dhaheen hilibka geela weysada wuu jabiyaa waxaana ka mid ah Imaam Axmed, kuwa kale waxay qabsadeen inuu xadiiska aya axaadiis kale ka dambaysay oo tilmaamaya waxkastoo dabka soo maray inuusan weyso jabinaynin.

si kaste ha ahaatee waa mas’alo fiqi ah mana habboona in ay keento dagaal oo dhex maraya muslimiinta, waxaad arkaysaa dad isku dagaalaya waxyaalahaas oo kale, ma habboona in laysku dagaalo mas’aladaha fiqiga ah oo aan ahayn caqiida ama usuul .

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More