Hadii Xubinka taranka aad taabato adoo janaaba ka qubeysanayo weysadaa ansax miyaa
Su’aasha:
Asc Marka aan ka qubeysanayo janaabada oo aan waysa qaato kadibna aan qubeysto oo markaa Xubinka taranka Gacanta iiga dhacdo waysadaa iyo janaabada aan is raaciyey ma ansax meysaa
SI GAAR AHAAN waysada aan janaabada kahor mariyey ma ansax meysaa ?
Jawaabta:
Marka hore waxaad ogaataa culimada fiqiga inay isku khilaafeen qofka hadduu taabto xubintiisa taranka inay weysada ka jabayso iyo in kale.
Imaam Shaafici iyo culimo kale waxay qabaan qofkii taabto xubintiisa inay waysada ka jabeyso si kas ama asoon ugu talaggalin.
Waxayna daliilsadeen xadiis uu wariyay Abuu Daawuud iyo culimo kale inuu yiri nabiga (SCW):
(مَن مسَّ ذَكَره فليتوضَّأْ )
(Qofkii xubintiisa taranka taabto ha weyseysto)
Abuu Xaniifa iyo culimo kale waxay qabaan in taabashada xubinta taranka aysan weysada jabinin xataa haddii loo taabto kas.
Waxay daliisadeen xadiis sidoo kale Abuu Daawuud iyo culimo kale ay wariyeen waxaana laga wariyay Dalq bin Cali (RC) wuxuu yiri: