Hadaan is cadeeyo midabkayga seen kusoo celiyaa

Su’aasha:

Asc wll ugu horayn waan ku salaamay waxaan ahay gabar waan is cadeeyay wllow markaan is cadeeyay waana nacay oo waan iska daayay wllo aniga dhan kala jaan aay noqday maxaa sameeyaa sidee jirkayga hore kusoo celiyaa.

Hadaan is cadeeyo midabkayga seen kusoo celiyaa
Hadaan is cadeeyo midabkayga seen kusoo celiyaa

Jawaabta:

Daawada laysku cadeeyo dhibaatooyin badan ayay maqaaka gaarsiisaa, marka waad ku saxsan tahay joojinta aad iska joojisay.

Waxaad u baahan tahay inaad ka nadiifiso dhibaatada ay u keentay daawada jirkaaga, waxaa ugu fiican wax lagu nadiifiyo maqaarka jirka wax dabiici ah oo aan kiimika ahayn, dhowr waxyaabo ayaa jira waxaa ka mid ah:
Cusbo inaad ku qasto biyo habeen kaste marka aad seexanayso jirka mari maalin kaste, waxay ka nadiifisaa wixii soo gaaray jirka.
Sidoo kale khal ayaa loo adeegsan karaa booska milixda ama tufaax la shiiday, waxaa kaloo jirka la marin karaa caanaha garoorka oo malab lagu daray, sidoo kale moos iyo malab laysku shiiday iyagana waa lagu nadiifin karaa jirka, haddaad mid ka mid ah samayso muddo kaddib midabkaaga wuu isla sinnaanayaa, waana wax dabiici ah oo aan dhib kuu keenayanin, sidoo kale midabkana wuu furaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More