Hababka ugu fudud wax loo xifdiyo
Hababka ugu fudud wax loo xifdiyo
Su’aasha:
Wll waxaan doonayaa inaad iga caawiso dhibaatada ilowshada wax xifdinta, haddiiba u jiro xalka ugu wanaagsan
mahadsanid.

Jawaabta:
Hilmaanka ama illowshaha sababo badan ayuu ka dhalan karaa waxaa ugu muhiimsan:
1- qofka arrimihiisa inaysan habaysaneyn, taasoo laga wado qofka marka uu yahay qof aan nidaamsanayn oo waxyaalo badan ay ku furan yihiin meelo badan faraha kula jira taas waxay keenaysaa inuu wax kaste illaawo oo uu xifdin waayo.
2- Qofka inuusan helin hurdo ku filan, taas iyadana waxay keentaa daalka maskaxda, qofka aan hurdo fiican helaynin ma awoodo inuu wax xifdiyo, siiba hurdada habeenkii.
3- in qofka jirkiisa vitamino badan ay ka maqan yihiin taas iyadana waxay keentaa qofka inuu wax qaban waayo.
Marka guud ahaan ku dadaal inaad noloshaada nidaamiso oo aad habeenkii waqti fiican seexato oo aad yarayso mashquulkaaga, kaliya aad xoogga saarto waxbarashadaada.
Waxaa kaloo jira cuntooyin u fiican maskaxda waxaa ka mid ah kalluunka iyo geedka Ginseng loo yaqaano sidoo kale sabiibka haddaad cunto subaxdii.
Sidoo kale iska ilaali inaad shahwadaada raacdo daawashada filimada xunxun iyo sawirada qaaqaawan waxay daciifiyaan maskaxda, sidoo kale siigada iyadana maskaxda ayay dilaysaa waxay kugu abuuraysaa kalsoonidarro iyo walwal aan dhamaanin, waxaas oo dhan waxay yareeyaan inaad wax xifdiso.
Marka wax aad xifdinayso waqti gaar ah u deji xifdi xillayada jawigu degan yahay waxaa ugu fiican aroortii, markaad shayga xifdinayso iska ilaali maskaxdaada inay ku mashquusho wax kale aan xiriir la lahayn waxa aad xifdinayso.
Marka aad daasho wax yar ka naso, haddana kusoo laabo wixii aad xifdinaysay dhowr jeer ku celceli.
Talooyin aad ku guuleysan karto imtixaanka shahaadiga
Sidee Ayuu Ku Noqon Karaa Qofka Mid Fahamkiisa Aad U Sareeyo
Forgetfulness can be caused by many reasons, the most important of which are:
1- A person’s affairs are not organized, which is when a person is not organized and has many things open in many places, which causes him to forget everything and not memorize.
2- A person does not get enough sleep, which also causes mental fatigue, a person who does not get good sleep is not able to memorize anything, especially at night.
3- A person’s body lacks many vitamins, which also causes the person to not be able to do anything.
So in general, try to organize your life and sleep well at night and reduce your distractions, just focus on your studies.
There are also foods that are good for the brain, including fish and the plant known as Ginseng, as well as raisins if you eat them in the morning.
Also, avoid following your desires by watching bad movies and pornographic images, they weaken the brain, and dust also kills the brain, creating insecurity and endless anxiety, all of which reduce your ability to memorize.
When you are memorizing something, set a specific time to memorize it, when the atmosphere is calm, it is best in the morning, when you are memorizing the thing, avoid letting your mind be busy with other things that are not related to what you are memorizing.
When you get tired, take a break, then return to what you were memorizing and repeat it several times.