Guurka in laga baqo maxaa sababaya

Su’aasha:

Rag waxad arkaysaa nolol ahaan iska ladan oo guri haysta hadana guur aan rabin marka aad weyddiiso wuxuu ku dhahaa guur laguma degdego marka su’asha waxay tahay maxaa keena ninka inu ka cabsado guurka?

Guurka in laga baqo maxaa sababaya
Guurka in laga baqo maxaa sababaya

Jawaabta:

Guurka waa wax aad u muhiimsan, qofka hadduu helo lacag iyo fursad waa inuu guursadaa, cabsida inta badan waxaa keena raga qaar oo guursaday dabadeedna ku fashilmay iyadoo muddo yar lays qabay ayaa guurkii burburay kalsoonidiina jabtay, marka qofka taas uu maqlo waxaa laga yaabaa inuu cabsi ka qaado.

Waxaa kaloo qofka u keeni kara cabsida guurka waswaaska iyo niyadjabka, wuxuu iska dhaadhicinayaa inuusan gabar dhaqi karin gurina maamuli karin, taas markuu aaminana way adag tahay inuu ka fakado waswaaskaas.

Waliba waxaa kasii daran qofka marka uu iska dhaadhiciyo inuusan naagta wax ka qaadi karin waxaana u badan raga siigada waqtigooda ku dhameeyay shaki iyo waswaas ayaa soo galaya oo la xiriira xagga kartida galmada. Waxaa loo yaqaanaa cabsida guurka Gamophobia

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More