Sawiro ayaa ku faafay baraha bulshada shalay iyo maanta sawirada waxaa ka muuqda nin oday ah oo la sheegay inuu jiro 73 sano oo guursaday gabar jirto 13 sano.

waxaa la sheegay arooskooda inuu ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
dadka soomaaliyeed ayaa labo u qeybsamay dad taageeraya iyo dad diiddan oo dhaleeceynaya.
Guurka axkaamtiisa waa la yaqaanaa kutubta fiqiga islaamiga ayaa lagaga hadlay.
laakin halkaan waxaan kaga hadleynaa dhibaatooyinka ka dhalan kara guurka marka ninka iyo naagta ay aad u kala fog yihiin da’da.





