Ganjeel sar ah oo hortiisa dhiig ka muuqdo?

Su’aasha:

Waxaan ku riyooday aniga iyo qoyskeena oo dagay guri ganjeel ah, oo hortiisa dhiig ka muuqdo markaas baa Aabahay wuxuu ileeyahay gurigan gadaashiisa waxaa dagan qolo tuuga ah, oo dadka kor ka ilaashada habeenkiina dadka usoo dhoco cidii naga horeysay waa sababta ay ugu guureen isagoo idhahaayo ayaan ku soo kacay.

Riyadaas maxaa lagu macneyn karaa walaal.

Ganjeel sar ah oo hortiisa dhiig ka muuqdo?
Ganjeel sar ah oo hortiisa dhiig ka muuqdo?

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa digniin lagaaga digayo dad aad moodo inay ku jecel yihiin ama saaxiib aad tihiin laakin hoos khiyaano ka wada, marka dhiiga inta badan wuxuu tilmaamayaa dhibaato qofka lasoo guboonaanayso, sidoo kale aabbahana wuxuu matalayaa qofka kuu nasteexaynayo oo ka fekeraya dantaada meesha ay taallo, marka macnaha riyada wuu iska cad yahay waa digniin, marka dib u eeg dadka adiga hareeraha kaa jooga oo aad tihiin saaxiib.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More