Gabar u dhalatay India oo eey lagu mehriyay

Indian girl marries a dog, Really strange news

Gabar u dhalatay India oo eey lagu mehriyay

India waxay ka mid tahay dalalka ugu yaabka badan dunida.

Gabar u dhalatay India oo eey lagu mehriyay
Gabar u dhalatay India oo eey lagu mehriyay

waxaana la dhihi karaa waa dalka ugu khuraafaadka badan sidoo kale sixirka iyo tafaafulka.

Waxaa laga helaa dad caabudayo waxyaalo  kala duwan oo aan ku soo dhicin caqliga aadanaha.

Gabar u dhalatay dalkaas oo loo guuriyay eey  Waxaa ku qasbay gabdhan in eey loo guuriyo Aabbaheeda iyo hooyadeeda.

gabadhan waxaa lagu magacaabaa Mangali waxayna jirtaa 18 sano.

waxaa la sheegay eyga loo guuriyay in laga soo helay waddada, waxaana loo bixiyay Shiiro.
Xafladda arooska waxaa kasoo qaybgalay dad ka badan 100 qof meesha waxaa loogu qaaday heeso, sidoo kale haweenka way ka cayaareen.
waxaa la sheegay labada waalid arrintaas inay ku kalliftay sheeko ay sheegeen kuwa sixirooleyaal ah in gabadhan ay lacnad hayso marka ninka ugu horreeya guursanaya baas ayaa ku dhacaya waxaana looga badbaadi karaa arrintaas in eey lagu daro si eeyga ay lacnadda ugu dhacdo.
Waa arrin yaab leh oo tilmaamaysa caqliga aadanaha marka uu ka fogaado diinta xaqqa ah inuu mugi daran galayo oona uu kukacayo waxyaalo caqliga ka fog.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More