Site icon Daruur درور

Gabar adeer dhalay ayaan jeclahay iyadana ma oga

Su’aasha:

scw arday baan ahay waxaa iyadana iskuul ila dhigata gabar adeerkeyga dhalay aniga aad ayaan u jeclahay iyada ma oga umana sheegin markaan la kulmo aad baan u cabsadaa xataa wax yar markaan u shegayo waan jareeyaa, talo i siiya waxaan rabaa inaan guursado iyada ay ii jeclaato saan iyada u jeclahay mahadsanidiin.

Gabar adeer dhalay ayaan jeclahay iyadana ma oga
Gabar adeer dhalay ayaan jeclahay iyadana ma oga

Jawaabta:

Waxaad ogaataa qofka marka uu dhaliyar yahay ama da’diisu ay yar tahay, wuxuu jeclaanaa gabdhaha u dhow sida gabdhaha qaraabada ama deriska, jacaylkaas ma aha jacaylka dhabta ah, waa midka ka helitaanka ah, oo nin kaste ku abuuran sidoo kale gabdhana waa ku dhacaa.
Haddii ay dhab kaa tahay, jacaylkaas wuu sii jirayaa, waxaa fiican inaad guur u bandhigto markay ugu yar tahay waxaad ogaanaysaa waxa ay kaa aaminsan tahay, haddii ay ku dhahayso aniga nin ilmo adeer aan nahay ma guursanayo iyo haddii ay fikradda soo dhoweynayso, taas waxaad ku ogaan kartaa markaad u sheegto dareenkaaga, haddii aad ka dareento inay diyaar u tahay, kaddib adaeerkaaga ayaad u sheegi kartaa si uu ula socdo arrintaas, waxaa dhici karta marka aad weynaato inaad isbaddasho oo uu kaa baaba’o jacaylka aad dareemayso, saan kuu sheegay jacaylka da’yarta waa mid sida dabeysha oo kale wuxuu iska tirtirmaa muddo kaddib.

Exit mobile version