Gabar aabahay kala tageen oo wali jirkeeda uusan taaban xalaal miyaa
Su’aasha:
Mida kle lacala gabar aabahay kala tageen oo wali jirkeeda uusan taaban lkn ayaan ku xirnaan jirtay xiriir mala samayn karaa ama jacayl jacayl iyo hadalo mcn ma lawadaagi karaa taasna iiga jawaab.
Jawaabta:
Gabar aabahaaga mehersaday marna ma guursan kartid xataa hadduusan la aqalgalin, taas waa xaaraan kuma xirna inuu taabtay iyo in kale, Quraanka kariimka wuxuu u reebay si mudlaq ah oo aan shardi ku xirnayn wuxuu yiri Alle:
(وَلا تَنكِحُوا مَا نَكَحَ آبَاؤُكُمْ مِنَ النِّسَاءِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ)
(Ha guursanina haweenka ay aabbeyaashiina guursadeen wixii tagay mooyee)
Sidoo kale waxaa la mid ah gabadha uu mehersaday wiilka iyadana xaaraan ayay ka noqonaysaa abbihiisa xataa hadduusan la aqalgalin Quraanka kariimka ayaana sheegay, Alle wuxuu yiri markuu ka hadlayay dumarka xaaraanta ah oo aan la guursan karin:
(وَحَلائِلُ أَبْنَائِكُمُ الَّذِينَ مِنْ أَصْلابِكُمْ)
(xaasaska wiilashiina oo dhabarkiina kasoo baxay (aad dhasheen).